Gudoomiyaha
hay’adda shaqaalaha dawlada mudane Farxaan Aadan Haybe ayaa sharraxay nuxurka
uu heshiiskani salka ku hayo waxaanu yidhi “Waxaanu isugu nimid maanta in
aanu si rasmiya u kala saxeexano heshiis saddex geesooda oo ku saabsan hab
suuragalinaya shaqaalaha cusub ee ay hay’adda shaqaalaha dawlada iyada oo
kaashaneysa barnaamijka dib u habeynta cududa shaqaalaha ay dooneyso inay ku meeleyso
dhammaan wasaaraddaha Qaranka Somaliland, shaqaalahaasi oo aanu todobadii u
horeeyay maalin dhaweyd qaadaney, looguna magacdaray hab maamulka kobcinta iyo
fikirka wanaagsan ee aqoonta ku saleysan ee sabada iyo deegaanka shaqada,
barnaamijkani waa mid aduunka oo dhan ka socda”
Axmed
Daa’uud Ibraahim xisbiyaha guud Qaranka Somaliland oo isna madashaasi hadal
kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Mashruucani waxaa uu ka mid noqonayaa kuwii
awalba aanu gacanta ku heynay, maanta waxaa ay inoo tahay maalin taariikhiya oo
shaqaalaheeni tayeyntiisi iyo maamulkeeni iskaashigeedi aanu waji u
yeeleyno”
Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi ayaa sharraxay kaalinta ka baan ahaan ay ku leeyihiin barnaamijkani waxaanu yidhi “Anagu hadii aanu baanka dhexe nahay inta nagaga aadani waxaa weeyaan in lacagta marka baanka la soo dhigo aanu shaqaalihii ay khuseysay xisaabahooda ugu shubno, weliba dollar ahaan ku siino islamarkaana aanu warbixin iyo warcelin hay’addaha ay khuseyso aanu dib ugu celino, ahmiyada ugu weynina waxaa weeye in markii ugu horreysay ay baankii dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland lacagta ay hay’addaha caalamiga ahi bixiyaan taasi oo uu weliba bixinayo World Bank qadarkeeduna dhan yahay laba kun oo dollar in ay toos ugu soo dhaceyso baanka dhexe ee Jamhuuriydda Somaliland, halkii ay ka qaban laheyd baananka kale ee gaarka loo leeyahay taasina aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay, waxaanu sameyn doona baanking qof wal oo shaqaale dawladeed ahna akoonkiisa ayaanu ugu shubi doona dhawaan, mobilkiisa gacanta sida Saad iyo E-dahab oo kale”