Hoggaanka Cusub Ee Ururka SOLJA Oo Xilkii La Wareegay

Hargeysa (Hayaannews)- Hoggaanka cusub ee ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xilkii kala wareegay hoggaankii hore ee ururkaas.

Munaasibada xil-wareejintaas waxaa ka qayb-galay qaar ka mida saxafiyiinta Somaliland, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo daneeyeyaasha arrimaha saxaafadda Somaliland.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuuse, la-taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanu hoggaanka cusub u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan horumarinta guud ahaan saxafiyiinta Somaliland.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo hoggaanka cusub ururka SOLJA, u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan kor u qaadida aqoonta suxufiyiinta, iyaga oo kaashanaaya Jaamacadda Hargeysa oo ay ka jirto kuliyad lagu barto saxaafadda.

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) guddoomiyihii hore ee ururka saxafiyiinta Somaliland, oo ururkaas soo hoggaaminaayay lixdii sanno ee u dambeeyay ayaa ka waramay arrimhii ururkaas u qabsoomay mudadii uu hogaaminaayay, waxaanu saxafiyiinta iyo dhammaan daneeyeyaasha saxaafadda Somaliland u soo jeediyay inay la shaqeeyaan hoggaanka cusub ee loo doortay ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA saddexda sannaadood ee soo socda.

Ugu dambayn Guddoomiyaha cusub ee ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed, oo madashaas xilwareejinta hadal ka jeediyey ayaa u mahadceliyay hogaankii hore ee SOLJA, waxaanu xusay inay ku dedaali doonaan ka shaqaynta horumarka iyo kor u qaadida xirfadda saxafiyiinta Somaliland, isaga oo intaas ku daray in ay u hawl-geli doonaan sidii loo kobcin lahaa aqoonta guud ee suxufiyiinta Somaliland, wuxuuna alle ka baryey inuu u fududeeyo hawlahaas loo igmaday.