Hooyadii Fanka Soomaaliyeed Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo Geeriyootay Iyo Taariikh-Nololeedkeeda

Hooyadii Fanka Soomaaliyeed Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo Geeriyootay Iyo Taariikh-Nololeedkeeda

Boorame(Hayaaannews):Rabbi Naxariista jano ha ka waraabiyee waxa maanta go’ay tiir ka mid ah Tiirarkii ugu adkaa Fanka Soomaaliyeed Marxuumad Aamina Cabdilaahi Xirsi oo ka mid ahayd hal-doorka fanaaniinta faro ku tiriska ah ee weli ifka baaqiga kaga sii ahaa Kooxdii hobollada WAABERI ee Soomaaliya

Samir iyo iimaan saadiq ah eebe ha ka siiyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda fanka, qoyskii iyo eheladii ay ka baxdeyna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.

Haddaba, maanta oo ay taariikhdu ahayd 18.3.2023 ku geeriyootay Magaalada Boorame, Haddaba, Tumey ahayd Aamina Cabdilaahi Xirsi? Suxufi Cali Axmed Cawaale CAANO-DHAME oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda Somaliland ayaa  ka diyaariyey qormo kooban Taariikh Faneedkii Hooyadii Fanka Aamina Cabdilaahi oo Shabakada Wararka ee #Hayaannews ay halkan ugu soo gudbinayso, waxaanay u dhignayd sidan:

“Waxaan tacsi u dirayaa. Ehelkii qoyskii asxaabtii iyo guud ahaan mujtamaca soomaalida geerida ku timi fannaanadii weynayd ee Marxuumad Aamina Cabdilaahi Xirsi ..ILAAHAY naxariistii janno ha ka waraabiyo qoyskii ay ka baxday iyo dhammaan bahda fankana samir iyo iimaan ha ka siiyo..

TAARIIKH NOLOLEEDKA AAMIINA CABDILAAHI XIRSI

Allah ha u naxariistee Aamina claahi intii aan ka aqaanay haddii aan yar iftiinsho waxay  ka mid ahayd hormuudkii fanka Soomaalida gaar ahaan Hobaladii waaberi ee loo yaqiinay HOOYADA FANKA.

Waxay fanka ka bilowday dabaayaqadii sannadihii 60aadkii dalka jabuuti iyadoo gabadh yar ah, kadibna waxay u soo wareegtay dhinaca Somaliland waxay riwaayado wada dhigeen awalkiiba fanaaniintii ruug caddaaga ahaa  Cismaan Gacanlow,Cabdi  Aadan Xaad (Cabdi-Qays), iyo kuwo kaloo baddan, oo ay heeso badanna wada qaadaan.

Hase-yeeshee shakhsiyan inta aan garanayo riwaadaha Aamina Cabdilaahi ay xiddigada ka ahayd amar door xiiso leh. Ku lahayd ee aan duugoobin weligood aadkana loo jecel-yahay.

  1. Waxaan ka xusi karaa:1974 iyo Dab jacayl kari-waa.
  2. Galbeed waa la xorreeyee waarsaa Gaagixisay.
  3. Ha waalnaado jacaylku ee Aynu Weerarka Aadno.
  4. Wadhaf iyo Shimbiro oo ay ku-metelaysay Xasan Aadan Samatar Hooyadii iyo qaabkii qiirada iyo la yaabka lahaa.
  5. Bidaari-sibiq Bay kugu Gashaa
  6. Jacayl run ah iyo Rooxaan ka hor timi
  7. Waan isla weynaye Mabay weynayn.
  8. Musiibada Aduunyada.
  9. Isuma-qaddo
  10.  Riwaayddii Aw Bustaale
  11. Ninba Timo-xamar.
  12. Abuur waano la Yaab.
  13. Ninba Tacabkii talooy kaa Maal..ama (Gari ma kaa Baxdaa) loo yaqiin..
  14. Beeneey Waa Run….iyo qaar laga yaabo inaan dhaafay maadaama in muddo ahi ka soo wareegtay..

Heesaha qubanaha ah ee aan iyagu Riwaayad ku jirin idaacadahana loo qabtay ayaa tiro badnaa Aan ka xuso iyagana (Sheekh-baa wuxuu yidhi -inanyahay shar kuuma leh) tolow AHN ma kaneecaa Lahaa?.waan iloobay ..heesta si-yar si-yar . Heeso waddani ahaa oo aan ka xasuusto (Bulshayahay bal kaalaya Bushaarada

Berri ubaxa kacayoow Bilkhayr dhaha…

Bil khayr

Bilkhayr

Bilkhayr…

Haddii aan sii iftiinsho dad badani waxay ku xusuusan karaan ..kacaankaa noo baaqee barakaysani ha noolaadoo waxa u jiibin jiray caruurtii la odhan jiray ubaxa…Ereyada waxa lahaa Allah ha u naxariistee oo intii uu noolaa. iiga sheekeeyay. Waalidkii wanaagsanaa saaxiibkii qaaliga ahaa ganacsadihii reer Hargeysa ee bacadlaha WAAHEEN MUXUMUD CALI MAS MAS…

Sacna weysha uu dhalo sanka ….Aamina Cabdilaahi Xirsi iyo Axmed Gacayte.

Sida dhidar ha fiid kicin. .cashaqa ha fara gelin…aamina cismaan gacanloow iyo qaar kaloo badan.

Aamina Cabdilaahi Xirsi waxay ahayd habka jilista sheekada iyo ku luuqaynta Heesaha fanaanad aan dhiggeed la heli karin aadna loo wada jeclaa…Allah ha u  naxariisto Marxuumad Aamina Cabdilaahi .waan ka tacsiyadaynayaa.Caruurteedii ilma Caabdi qays iyo ilma cabdiraxmaan dheeraba.

Hooyadii Fanka Soomaaliyeed Aamina Cabdillaahi Xirsi Oo Geeriyootay Iyo Taariikh-Nololeedkeeda

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com