ICJ Oo Billowday Dhageysiga Kiiska Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya

Hague(Hayaannews): Dhagaysigii maxkamadda caalamiga ah (ICJ) ee dacwaddii badda ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka bilaabantay magaalada The Hague ee dalka Netherlands.

Maxkamadda waxaa ka maqan dalka Kenya oo horey u sheegay inaysan ka qaybqaadanayn dhagaysiga.

Maxkamadda caalamiga ah ayaa sheegtay inay ka xuntahay inaysan Kenya ka qaybqaadan doonin dhagaysiga, hase yeeshee waxay sheegtay maxkamaddu inay hayso qoraallo iyo dokumentiyo ku filan oo ka turjumaya mawqifka Kenya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay inay iyaguna ka xun yihiin maqnaanshaha Kenya. Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in maxkamaddu ay siisay Kenya waqti ku filan oo ay ugu diyaar garowdo dhagaysiga.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda, waxaana uu sheegay inay donayaan xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan in loo sameeyo.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com