“Ictiraafkuna Wuu Fogaan Doonaa, Hadii Madaxweynuhu Ka Meer Meero Inuu Doorashooyinka Qabto” Cabdiraxmaan-CIRRO.

Hargeysa (Hayaannews): Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-CIRRO) ayaa sheegay inuu ictiraafku fogaan doono haddii uu Madaxweyne Muue Biixi uu ka meer-meero qabashada doorashooyinka.

Sidaa waxa uu ku sheegay Cabdiraxmaan-Cirro qoraal uu soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews,

“Somaliland maanta meel fiican ayay maraysa, madaxweynuhu wuxuu ku tagay safar dalka aynu jaarka nahay, waad arkayseeno sifiican ayaa loo soo dhaweeyay, dood ayaa ka socotay Baarlamaanka Ingiriiska, waxaasi waxay ka dhasheen in Somaliland lagu bogaadinayo hanaanka dimuquraadiga ah” ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in meeqaamka Somaliland uu hoos u dhici doona oo aan la heli doonin wax yaabaha maanta la haysto, hadii doorashadu dib u dhacdo.

“Waxan isleeyahay soo dhawayntaana waala waayi doonaa, dooda baarlamaankana waa la waayi doonaa, ictiraafkuna wuu fogaan doonaa, hadii madaxweynuhu ka meer meero in uu doorashooyinka qabto” ayuu yidhi Cirro.

Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa  waxa uu ku dooday in isaguna uu safar ugu baxayo dalka Itoobiya, maalin kadib safarkii madaxweynaha.