“#IGAD_Iyo_AU Waxa Dhici Karta iney Itoobiya-U-xilsaaraan Suggidda Nabadgelyada #LAAS-CAANOOD” Siyaasi CALI-GUREY.

SOMALILAND xagay Ku Socotaa?

Hargeysa(Hayaannews): Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (#CALI-GUREY) oo ah khabiir ka faallooda mushkiladaha ka jira gudaha Somaliland ayaa ka digey khatar ku soo fool leh guud ahaan gobolada Somaliland haddii la waayo wax heshiis lagu yahay oo xal u noqda dhiig joojinta dagaalka Laascaanood iyo khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Siyaasi Cali-Gurey oo farta ku fiiqaya kala fogaanshaha labada dhinac ee ku dagaalamaya deegaanka Laas-caanood ayaa tilmaamay suurtogalnimada iney beesha caalamka ku sameeyaan faro-gelin toosa si loo jiijiyo dhiiga daadanaya.

Mujaahid Cali Gurey isaga oo ugu horeyn si cilmiyeysan u sharaxaya waxa ka dhalan kara  haddii la waayo xal lagu soo  lagu soo afjaro dagaalka ka socda deegaanka Laas-caanood waxa uu yidhi;

“Laascaanood Muuse iyo ina Suldaan Cali markaan eego xataa xal dhiigjoojin ah kuma heshiin karaan. Bulshada Caalamku in ay farogelin toos ah ku sameeyaan si loo joojiyo dhiigga daadanaya maaha wax aan laga fakiri karin. Hadii ay xaaladu qasabto oo waxba lagu heshiin waayo IGAD iyo AU waxa dhici karta in Itoobiya ay u xlisaaraan suggidda nabadgelyada Laascaanood Qaramada midoobay laf-teeduna ay sidaa baarigto. Taas oo micnaheedu yahay in ciidamo Itoobiyaan ah la keeni karo Laascaanood labada ciidan ee isku horfadhiyana la kala durkiyo   lagana fogeeyo magaalada labadoodaba. Labada dhinac ma wada ogolaan doonaan, ma dhinac baa diidi, mise labaduba way ku gacansaydhi hadii ay timaadoba? wax walba ka yaab

Si kastaba xaalku ha ahaado eh dhinaca Bulshada caalamka waxay u baddan tahay in dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya talada Somaliland la isla ogol yahay in looga dambeeyo dalka la deeiska ah ee Itoobiya. Maaha arinta Laascaanood oo keliya ee xataa khilaafka ka sii wayn ee doorashooyinka laftooda, oo si wayn u soo shaac-bixi doona afar ilaa sideed todobaad ka dib dhamaadka bisha Ramadan iyada oo wax xal ah laga gaadhin dagaalka Laascaanood. Taasina waa halista ku soo fool leh in gobolada Somaliland dhan xaaladdu faraha ka bixi karto hadii la waayo wax heshiis lagu yahay.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (#CALI-GUREY)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com