“ILAAHAY Waxaan Ka Baryayaa Inuu Naga Dhigo Kuwo Kitaabka Ay Ku Dhaarteen Ilaaliya Oo Dadkooda U Shaqeeya,..”Khudbada Maayirka Cusub Ee Hargeysa MOOGE.

Hargeysa(Hayaannews): Maayirka Cusub ee Caasimada Hargeysa Cabdikariin Ahmed Mooge ayaa sheegay inay sinnaan iyo cadaalad ay ugu shaqeyn doonaan shacab-weynihii reer Hargeysa ee soo doortay, isaga oo ku tilmaamay doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May mid taariikhiya.

Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu sidaa ku sheegay khudbad qiimo baddan oo uu  jeediyay kadib markii loo doortay Maayirka Caasimada Hargeysa.

Doorashadu waxay ahayd doorasho taariikhiya oo reer Hargeysa mideysay: “Maanta waa maalin Hargeysa taariikh u ah, waxay soo galnay doorasho reer Hargeysa mideysay, waxa Xildhibaanada dabadeyda taagan u codeeyey dhammaan reer Hargeysa oodhan, Doorashadu waxay ahayd doorasho taariikhiya oo reer Hargeysa mideysay. Doorasho dadku u codeeyeen sidii ay u codeyn jireen si ka duwan. Waxa kale oo taariikha inay Hargeysa tahay Meesha kaliya ee aan tartan ka dhicin ee xildhibaanadii la soo doortay ay xilkas noqdeen ee ka taliyeen Walaalnimada, iyo midnimada reer Hargeysa.”Ayuu yidhi Maayir Cabdikariin Axmed Mooge.

Mar uu Mooge ka hadlayay qaabka Maayirnimadiisa loogu Cumaamaday waxa uu yidhi “Isa soo arkeen, isa soo qanciyeen, wax baddan isa soo yidhaahdeen, dabadeed maanta iyaga oo mideysan oo gacmaha is-haysta ay hoolka galeen.Dabadeed ay ii doorteen Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa,Walaalkay Khadar Axmed Cumar-na ay u doorteen Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Deegaanka Hargeysa, midnimo ayaanu seeskeeda dhignay gurigaa midnimada ayaanu Hargeysa ka dhex taagaynaa Inshaa ALAAHU TACAALA”

“Dedaal ayaanu la imanaynaa, Kitaabka aanu ku dhaaranayna ag-tayada ayuu oolayaa, dadkayaga iyo dalkayaba daacad ayaanu u ahaanaynaa,sinaan iyo cadaalad ayaan ugu shaqeynaynaa, amaanadoodana waanu u ilaalinaynaa,….”

HALKAN KU DHUFO OO KA DAAWO:https:https://www.youtube.com/watch?v=2i3-0Y61TKk

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com