“Ina Biixi Warkiisu Wuu Cad Yahay. Kol Hadaan Dhergay Anigaaban Idin Gefayn Oo Waan idinku Sii Galgalanayaa Ama Iska Kay-celiya”Cali-GUREY

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (#CALI-GUREY)

“Muuse Biixi Go’aankiisu Waa Kol Haddii Mar Madaxwayne Iga Dhigteen Oo Cod Kursiga Igu Saarteen Qori Waxaan Ahayn Kaga Degi Maayo Ee Tashada” Siyaasi Cali-GUREY.

“KAAM SHAAFNA MARAAKIIB MACDALLA WAABA HUUDHI”

Hargeysa (Hayaannews)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Muuse Biixi inuu go’aaniisu yahay kol haddii aad Madaxweyne iga dhigteen qori waxaan ahayn kaga degi-maayo.

Sida waxa uu ku sheegay Cali-GUREY qoraal uu ku saxeexan-yahay nuqul ka mida ay heshay Shabakkada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Ina Biixi warkiisu wuu cad yahay. Kol hadaan dhergay anigaaban idin gefayn oo waan idinku sii galgalanayaa ama iska kay celiya. Doorasho xisbiyo iyo ururo ay geli doonaan oo ka horaysa 13 November ma qabanayo Komishanka Doorashooyinku. Wuxu u jeedaa keliya in Doorashada Madaxtooyadu aanay qabsoomin ee muran geliyo. Hadii ay iyadu dhici waydo ma dhici   doonto doorasho kale oo la isla ogol yahayna eh ogaada.

Shacbiga Somaliland ha iska jiraan shirqoolka loo maleegay in lagu afduubo taladooda ee Muuse Biixi doonayo in uu ku cimri-dherarsado doorashooyinkii dalka ka qabsoomi lahaana uu ku wada burburinayo si aan doorasho dambe dalka uga dhicin. Go’aankiisu waa kol hadii mar Madaxwayne iga dhogteen oo cod kursiga igu saarteen qori waxaan ahayn kaga degi maayo eh tashada oo inta comrigayga ka hadhay iska kay daaya sideetan jir baan ku dhawahay oo wax badani ii may hadhine. Maalintii uu kursiga ku fadhiistay ayuu go’aankaa qaatay.

Saw maydin maqli jirin Dabargoynta Isaaqa berigii Siyaad Barre suga Dabargoynta Muuse Biixi soo wado. Kaam shaafna maraakiib macadalla waaba HUUDHI.

Ugu dambaystii waxa waajib igu ah in aan ugu baaqo dhamaan walaalahayga Somaliland ee gobolada dalka oo dhan in aan uga digo shirqoolka Muuse Biixi u maleegayo ee ah Af-duubka geedisocodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee Somaliland ay ku soo caano maashay. Waxan leeyahay diida oo ha ogolaanina sanaaduuq aan ahayn kuwa doorashada madaxtooyada in uu keeno goboladiina, degmooyinkiina, iyo Tuulooyinkiina midna.

ELECTIONWATCH”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com