Isku Dhac Kale Oo Ka Dhex Bilaabmay Madaxweynayaasha Turkiga iyo Faransiiska.


France(Hayaannews): Madaxwaynaha dalka faransiiska Macron wuxuu usbuucii la soo dhaafay ku tilmaamay diinta Islaamku inay tahay diin dhibaato ku sugan waxayna sheegtay in dowladdu ay soo bandhigi doonto biil bisha December  si loo xoojiyo sharciga 1905 oo si rasmi ah u kala soocaya kaniisadda iyo gobolka Faransiiska.

Wuxuu ku dhawaaqay kormeer adag oo dhanka iskuulada ah iyo in si wanaagsan loo xakameeyo maal-galinta shisheeyaha ee masaajida.

“Hadalka madaxwaynaha faransiiska Macron ee ah ‘Islaamku wuxuu ku sugan yahay dhibaato’ waa daandaansi furan oo ka baxsan ixtiraam la’aan,” ayuu Erdogan ku yiDHi khudbad Telefishanka laga sii daayay.

Kumaad tahay adiga oo ka hadlaya qaabaynta diinta Islaamka? Ayuu waydiiyay, isaga oo ku eedeeyay “xilkasnimo la’aan madaxwayne Macron “.

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Turkiga ayaa durba isku khilaafsan xuquuqda badaha ee Bariga Dhexe, Liibiya iyo khilaafkii ugu dambeeyay ee ka taagan gobolka gooni u goosadka ee Azerbaijan ee Nagorno-Karabakh.

Erdogan ayaa kula taliyay Macron “inuu fiiro gaar ah u yeesho inta uu ka hadlayo arrimaha uu jaahil ka yahay”.

“Waxaan ka rajeyneynaa inuu u dhaqmo sidii masuul dowladeed intii uu u dhaqmi lahaa sida gudoomiye gumeysi.” waxa sidaasi yidhi madaxwayne Erdogan

Turkiga ayaa ah dal aqlabiyadiisu muslim  oo qeyb ka ah NATO laakiin aan aheyn Midowga Yurub, halkaasoo dalabkeeda xubinimo uu hakad ku jiray tobanaan sano khilaafyo badan Awgood.

~ HCTV .

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland