Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Toronto Oo Si Meeqaam Sare Ah U Soo Dhaweysay Wasiirka Arrimaha Dibada Dr Essa Kayd Mohamud DAAWO SAWIRADAN:

Toronto(Hayaannews): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale oo socdaal shaqo ku jooga dalka Canada, ayaa jaaliyadda reer Somaliland ee Magaalada Toronto Si meeqaam Sare ah u soo dhaweysay.

Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Canada ayaan u kala hadhin soo dhaweynta Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Essa Kayd, iyada ooh ore Caasimada Canada ee Ottowa uu kaga qayb-galay shirweyne kor loogu qaadayo qaddiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland.

Shirkaas oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Canada isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen jaaliyadda Somaliland ee dalkaas, waxa uu Wasiir Ciise Kayd ka jeediyey Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu ku soo bandhigay dhowr luqadood, waxaanu kaga warramay geeddi-socodkii horumarka iyo dhismaha qaranimada Somaliland iyo heerka ay xilligan marayso, isagoo si qoto-dheer u faahfaahiyey dedaalka aqoonsi-raadinta ee xukuumadda uu ka tirsan yahay ku hawlan tahay.

“Aqoonsiga Somaliland ma-yaalo Hargeysa, aqoonsiga Somaliland idinka ayuu jeebkiina ku jiraa”. Ayuu yidhi Wasiir Essa Kayd Mohamud

Wasiir Kayd oo bishii u dambaysay safarro diblumaasiyadeed ku galaa-bixinayey dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa sheegay In u-jeeddada Safarkiisa Kanada qayb ka tahay dedaallada lagu iibinayo Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland

Waxaana munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay u qabtay Wasiirka Jaaliyada Somaliland ee Toronto.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewsonline@gmail.com