JABUUTI:  Musharaxa Dhaartu u Hadhsan  tahay Sahal Cali Amakaak Oo Xisbiga UMP Uga Qayb-gelaya Tartanka  Doorashada Baarlamaanka Jabuuti.

Musharaxa doorashada baarlamaanka Jabuuti Sahal Cali Amakaak

Jabuuti(Hayaannews): Xildhibaan Sahal Cali Amakaak,  oo ah Musharax dhaartu u hadhsan tahay ee u ordaya tartanka Doorashada Baarlamaanka Djabuuti ayaa  codkiisa ka dhiibtey goobta codbixinta  doorashadaas oo maanta looga dareeray guud ahaan dalka Jabuuti.

Musharax Sahal Amakaak  Cakaal (Sahal Cali Gurey) oo ka sharaxan xisbiga UMP ayaa sheegay inuu u rajeynayo guul  xisbiga uu ka sharaxan yahay ee UMP  oo  helo kuraasta u baddan xildhibaanada Baarlamaanka Jabuuti.

Md.Sahal Cali oo uga waramaya dareenkiisa shebekada Wararka ee #HayaanNews, kadib markii uu codeeyey maanta waxaa uu yidhi;

Musharaxa doorashada baarlamaanka Jabuuti Sahal Cali Amakaak oo ka mida murashixiinta ugu cad cad ee ku tartamaya doorashada Baarlamaanka Jabuuti ee maanta oo ay taariikhdu ahayd 24.2.2023 looga dareeray cod-bixinteedii guud ahaan dalka jabuuti.

Murashax Sahal Cali Amakaak ayaa codkiisa ka dhiibanaya doorashada baarlamaanka jabuuti oo maanta looga dareeray guud ahaan dalka jabuuti

“Waxaan ku faraxsanay inaan maanta codkayga ka dhiibto doorashada baarlamaanka jabuuti oo aan ahay murashax u tartamaya inuu xildhibaan noqdo ILAAHAY Idamkii waan guuleysanayaa, dareenkayga maanta ma cabirikarayo aad ayaan u faraxsanay. ILAAHAY riyadayda ha ii rumeeyo inaan noqdo Xildhibaan Baarlamaan umadiisa iyo qarankiisa Jabuuti ugu adeega  cadaalad iyo sinaan. Jabuuti ha noolaato, oo ha guuleysato” Ayuu yidhi Sahal Cali Gurey

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan ka sharaxanay Xisbiga UMP waxaan ILAAHAY uga rajaynayaa inaanu helno kuraasta ugu baddan Xildhibaanada Baarlamaanka Jabuuti Guul UMP”

Waxaan u rajaynaynaa Xildhibaanka cusub ee ay dhaartu u hadhay oo kaliya inuu ILAAHAY ku guuleeyo xilkaasi baarlamaanka ah inuu ku guuleeyo.

Musharaxa doorashada baarlamaanka Jabuuti Sahal Cali Amakaak

Waxa magaalada Jabuuti caawa ka socotay tirinta codadka doorashada baarlamaanka Jabuuti ee maanta dalka ka dhacday

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com