Jamaal Cali Xuseen Oo U Duur-xulay Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Hayaannews): Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa si farshaxanimo leh ugu duurxulay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku tilmaamay inuu faani jiray intii aanu talada waddanka hoggaanka u qabanin, balse markii uu yimi uu fashilmay.

Sidaa waxa uu Jamaal ku sheegay qoraal uu soo saaray oo ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

Beri baa waxaa jiray nin Darawal ahaa oo Baabuur weyn Oo uu in badan xoogsanaayey oo uu lahaa, oo wadaddii uu mari jiray meel fig ama dalacad ahayd, kolka uu figtaa marayo ayuu ninkaa Darawalka ahi ooyi jiray. Berigii danbe ayaa kirishbooygii ka bartay gaadhiga sida loo kaxeeyo ee sanadaha la socday uu isagii gaadhigii la wareegay Oo darawal isna ka noqday.

Kolkuu baabuurkii kaxeeyey kirishbooygii ayaa figtii darawlkii baray ee uu ku ooyi jiray ayuu isna kolka uu marayo ayeey bahal ooyin ah tii darawalka hore ka badani ka timid isna Kirishbooygii imika Darawalnimadda la wareegay. Dadkii baa Ilaahay yaab u keenay. Kuwii shidhka saarnaa ee la socday ayaa weydiiyey waxa ku dhacay, iyagoo ku leh ” waar maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu yidhi: ” Ninkii bahalka i baray( Darawlkii hore) ayaa halkaa kolkuu marayo ooyi jiray.” Dadkii mid ka mid ahaa oo ragga yaqaaanay ayaa yidhi; ” Waar hebeloow Darawalkii hore da’ baa heshay Oo wuu itaal gabaye, adigu sowdigii noo faani jiray maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu intuu yara qoslay yidhi; ” Oo Ma run baad Iga moodeen, sidii uun baan kolkaan dalacadaasi marayo oohini i qabanaysaa, amar Ilaahay!!”

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen