#Jamaal_Cali_Xuseen :Khabiir Ku Xeel-dheer Cilmiga Dhaqaalaha iyo La Dagaalanka Saboolnimada!!!! FAALLO  Shabakada #Hayaannews

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah khabiirada faro ku tiriska ah ee ku xeel dheer Cilmiga Dhaqaalaha ayaa nasiib-daro jaahilnimo aqooneed oo ka jirta hoggaanka sare ee Somaliland awgeed sababtey in Somaliland ka faa’ideysan weydo Cilmigiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo ee uu ka gaadhey heerka Caalamiga  ah,iyada oo dhaqaalaha Somaliland la ogyahay inuu maanta u ooman yahay  cid ehelu dhaqaale ah oo curin karta barnaamijyo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaale ee furaha u ah horumarka bulshada,si looga baxo faqriga iyo gacan hoorsiga shisheeyaha.loona gaadho horumar iyo isku isku filnaansho dhinac kasta ah.

Jamaal Cali Xuseen oo cilmiga dhaqaalaha uga soo baxey wax  mid ka mida Jaamacadaha ugu tayada sareya Dalka Mareykanka,kana soo shaqeyey baananka aduunka ugu waaweyn, ayaa dhowr sanadood ka hor dib ugu soo laabtey dalkiisa hooyo ee Somaliland si uu wax uga qabto wixii bashiyo ah ee ka jira dhinaca dhaqaalaha maadama uu aqoon sare u leeyahay sida loo kobciyo dhaqaalaha waddamada faqiirka ah ayaa dad badani isku raacsan yihiin inuu yahay shaqsiga keliya ee horumarin karaya dhaqaalaha fadhiidka ah ee Somaliland maadama uu yahay khabiir leh xirfada aqooneed ee ku saleysan sida loo horumariyo Dhaqaalaha Dowladda iyo ka Shirkadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay.maadama uu wax weyn ka bedeli karaya nidaamka ay iminka ku dhaqeeyaan Wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha wax soo saarka iyo goobaha cashuur ururinta,kaasoo ah mid gaboobey oo aan wakhtigan la jaanqaadi kareyn kuwa casriga ah ee ay ku shaqeeyo dalalka dunida ama caalamka intiisa badan.

Dadka dhaliila barnaamijka waxqabad iyo Siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi ku hogaamiyo Somaliland ayaa tilmaamey in dib-u-dhac kasta oo ku yimaada horumarka dalka ay u sabab tahay heerka hoose ee  aqoonta xirfada shaqaalaha iyo hawl-wadeenada ka hawl gala inta badan xarumaha dowladda,kuwaas oo aan helin waxbarasho iyo tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda xirfadeed, iyo weliba sida aan ahmiyad weyn loo siin in laga faa’iideysto dadka aqoonta leh ee banaanka ka jooga shaqooyinka dowladda.iyaga oo tusaale u soo qaatey dhowr Aqoonyahay oo ay ka mid yihiin Pro.Axmed Ismaaciil Samater iyo Dhaqaaleyahan Jamaal Cali Xuseen,kuwaas oo dadkaasi xusey in Muuse Biixi si toos ah uga hor-yimi oo u diidey qorshe ay la-taliyayaal ugu noqon lahaayeen Wasiiradda Maaliyadda iyo Waxbarashadda Somaliland,iyada oo is-hortaagasi uu meesha ka saarey rajadii laga qabey in  kor loo qaado aqoonta xirfadeed ee shaqaalaha si loo tayeeyo Waxbarashadda iyo Maaliyadda dalka.

Ma cadda sababta xukuumadda Muuse Biixi u diidan tahay inay xaydaabkeeda soo galaan ragga aqoonyahamiinta ah ee wax ku soo kordhin lahaa ,hase-yeeshee, waxaan shaki ku jirin in cidda la siiyo mudnaanta koowaad ay tahay kaadiriinta ku xeel dheer sida cododka looga soo marooriyo qabaa’ilada iyo degaanada dalka marka la gaadho wakhtiga doorashada ee Xisbiyadu kala hororsanayaan taageerada shacabka, taas oo ay u arkaan Madaxdu inay ku xidhan tahay rajada guushoodu WWW.Hayaannews.net

Isku soo wadda xooriyoo  waxa biyo kama dhibcaan ah in aynaan sinaba wax horumar ah ugu naaloon doonin mustaqbalka haddii aan laga guurin nidaamkan ilo meeraysada ah. ee ka aradan il-baxnimada casriga ah…. Jug jug meeshaad joog.. inta la xaqirayo dadka aqoonyahaniinta ah ee la rabey in laga faa’ideysto cilmigooda ,si looga soo kabto duruufaha dhaqan dhaqaale ee ka dhashey dagaaladii sokeeye ee sababta u ahaa inay burburto dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, maadama ay Somaliland hadda tahay  Jamhuuriyad ka madax-banaan Soomaalia kadib markii sanadkii 1999kii afti dadweyne lagu meel mariyey go’aankii gooni isu-taaga Somaliland ee 1991 lagaga dhawaaqey shirweynihii beelaha Somaliland ee Magaalada Burco.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com