Jeneraal Mahad Canbaashe Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Dagaal Ka Dhacay Laascaanood iyo Qorshaha Hawlgallada Ciidanka Qaranka Somaliland

Taliyaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Mahad Cambaashe

Hargeysa(Hayaannews): Taliyaha guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Mahad Canbaashe Cilmi ayaa sharraxaad ka bixiyey dagaal maanta ka dhacay Laascaanood iyo qorshaha hawlgallada Ciidanka Qaranka Somaliland

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay ciidanka qaranka Somaliland

“Sidii horeba uu u sheegay afhayeenka CQSL Cabdi Cabdillaahi in Ciidamada Qaranku ay qaadi doonaan weeraro qorshaysan oo ay ku soo gebagebaynayaan dagaalka kooxaha huwanta ahi ka wadaan magaalada Laascaanood. Haddaba waxay CQSL qaadeen talaabooyin hor dhac ah oo ay ku suuragelinayaan guulaha ay doonayaan inay ka gaadhaan kooxaha huwanta ah ee ay horkacayaasha ka yihiin argagixisada iyo maamulka Puntland. Sidaa darteed CQSL waxay isku xeereen guud ahaan jahooyinka magaalada Laascanood si aanay kooxaha huwantu u helin fursad ay gacanta CQ-ka kaga firxan karaan. Annaga oo ka warqabna durba inay bilaabeen cararka miciinka u noqday markay tamar gabeen. Waxay xalay qabteen CQSL Laba gaadhi oo Tikniko ah oo ay wateen Todoba kamid ah ciidamada PSF ee M/Puntland oo doonayey inay u baxsadaan Garoowe.

Taliyaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland Sareeyo Guuto Mahad Cambaashe

Haddaba aniga oo ku hadlaya afka Taliska guud ee CQSL waxan markale fursad siinayaa shacabka la khalday ee reer Laascaanood dabkana ay ku gureen garaad laawayaasha danleyda ah ee dhiigooda iibsaday kuna khalday shaadhka Dhulbahante-nimo ee ay wadaagaan. Halka Puntland iyo Argagixisadu-na uga faa’iidaysanayaan mid waliba dano u gaar ah. Inay isu soo dhiibaan Ciidamadooda Qaranka,si ay ugu badbaadaan talaabada military ee CQSL ka qaadayaan kooxahaa nabad diidka ah ee gabaadka ka dhigtay gudaha M/Laascanood.