Jeneral Galaal Oo Lagu Dilay Weerarkii Hotelka Afrik Ee Muqdisho

Muqdisho(Hayaannews): Alle u naxariistee Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Gelinkii danbe ee Maanta Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Geerida Jeneral Galaal ayaa waxaa #Hayaannews u xaqiijiyey mas’uuliyiin ka tirsan hoteelka la weeraray.

Hotelka ayaa dhanka kale waxaa laga soo bad-baadiyey saraakiil kale oo ay ka mid yihiin General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo Labo Afle.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad shacab ah iyo askar, inkasta oo aan weli la heyn tirada rasmiga ah.

Hoteelka Afrik, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa albaabka laga galo ka dhacay qarax xooggan kadibna waxaa gudaha u galay dabley Al-Shabaab ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jirto ilaa imia war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarka Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.