“Kalsoonida Adiga Iyo Shacabkaaga Ayaa Ah Waxa Kuu Saamaxaya Inaad Guulaysato, Haddii Aanad Haysan Quluubtooda, Waxba Ma Haysid”

Hargeysa(Hayaannews)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland ku ammaanay sida ay ciidamada ammaanka ugala shaqeeyaan arrimaha nabadgelyada, waxaanu sheegay inaanay awooda ciidamadu noqoteen wax ku ool haddii aanu shacabku la shaqaynin.

Madaxweyne Biixi oo uu dhawaan Hargeysa kula kulmay Michael Horton oo ah khabiir qormooyin kala duwan ku qora majalado caan ah oo dunida ah, wuxuu sheegay inay Somaliland u baahantahay mucaawino iyo lacag dayn ah, inkasta oo uu ka digay in lacagta mucaawinada ahi ay mararka qaar arrimaha qasto. Madaxweyne Biixi ayuu Mr. Michael weydiiyay sida ay Somaliland ku gaadhay guulaha ammaan ee ay haysato, iyadoo dawladda Soomaaliya oo uu dalka Maraykanka iyo dalal kale malaayiin dollar ku maalgeliyeen ay ku fashilantay inay sugto ammaanka Muqdisho, waxaanu Madaxweyne Biixi ku jawaabay  “Jawaabta ugu fudud ee su’aashaasi waxa weeye inaanu haysano kalsoonida shacabkayaga, Kalsoonidaas oo aan jirin, maanu haysaneen amniga aanu haysano. Jawaabta labaadna waxa weeye annaga ayaa arrimahayaga qabsanayna, oo jidkayaga haysana.”

Madaxweyne Biixi wuxuu intaas raaciyay “Waxaan ahaa sarkaal ciidan oo caadi ah iyo ciidankayagii xoraynta, iyadoo ay jiraan kala duwanaanasho badan, haddana hal shay ayaa isku mid ah, kalsoonida adiga iyo shacabkaaga ayaa ah waxa kuu saamaxaya inaad guulaysato, haddii aanad haysan quluubtooda iyo maanka, sida badanaa loo yaqaano, waxba ma haysid, Soomaaliyana dawladu kuma naaloonayso kalsoonidan.”

Madaxweyne Biixi oo ammaanaya doorka shacabka, wuxuu yidhi “Shacakayagu waa waxa uu ammaankayagu ku tiirsanyahay, waa aasaaska wax walba lagu dhisay. Haa, waxaanu haysanaa ciidan Boolis ah oo wax ku ool ah, RRU, iyo waaxda sirdoonka, laakiin waa shacabka Somaliland cidda noo sheegta waxaanu doonayno inaanu ogaano. Way yaqaanaan marka uu bulshada dhex yimaado qof laga shakisanyahay waanay soo gudbiyaan. Taas la’aanteed xataa sirdoonka ugu wanaagsan ee sida wanaagsan u qalabaysan waxay noqon lahaayeen kuwo aan waxtar lahayn. Ma jiraan wax bedelaya sirdoonka aadanaha, waana waxaanu haysano. Wadan dhan oo feejigan.”

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in dhallinyaradu yihiin kuwo u nugul Al-Shabaab, waxaanu iftiimiyay inay Somaliland doonayso inay maalgeliso waxbarashada oo ay dhallinyarada siiso fursado shaqo “Dhallinyaradu waa kuwa ugu nugul kooxaha Al Shabaab oo kale, waa inaanu awood u yeelanaa inaanu maalgelin badan ku samayno waxbarashada waana inaanu siinaa fursado ay ku shaqeeyaan.” Ayuu yidhi.

Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Biixi qiray inay Somaliland u baahantahay mucaawino iyo dayn lacageed, “Haa, waxaanu u baanahanay caawimo iyo dayn, hase yeeshee waxaanu aqoonsanahay in caawimadani ay noqon karto mindi laba af leh, waxbay kharibi kartaa sida Imikaba Soomaaliya haysata.” Ayuu yidhi.