KENYA: Xukuumada iyo Beesha Caalamka oo Is-faham ka Gaadhay Taageeradooda Horumarka Somaliland

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo Kulan Madaxtooyada Kenya kula yeeshey Madax sare oo dalkaas ah.

Nayroobi (Hayaannews)- Xukuumada Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa is-faham ka gaadhay qodobbo ay ka wada hadleen, kadib markii kulan hawleed la xidhiidha wada shaqeynta u dhexeysa ay ku yeesheen caasimada Nayroobi, ee dalka Kenya.

Wefdi u hoggaaminayo Wasiirka horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, qeybna ay ka ahaayeen Wasiirka Qorsheynta Xasan Maxamed Cali, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Cumar iyo saraakiil ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo socdaal ku jooga dalka Kenya ayaa khamiistii kulan la yeeshay 16 safiir oo caalamka ah iyo wakiilo metelayey Baanka Adduunka, Midowga Yurub iyo Hay’adda Gargaarka Maraykanka.

Kulankaas oo qabanqaabadiisa ay lahayd xafiiska Safaaradda Somaliland ee Kenya kana dhacay hoyga Safiirka Denmarka Hon Ole Thonke, oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac, ayey ka soo baxeen qodobbo labada dhinac ku heshiiyeen.

Safiirka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Cumar oo Wargeyska Dawan faahfaahin ka siiyey ujeedada kulankaas iyo arrimahii lagaga hadlay ayaa yidhi,

“Kulanka waxa ugu horreyn ka hadlay Safiirka Denmarka Hon Thonke, oo sharaxaad ka bixiyey socdaal uu todobaadkii hore ku yimi Somaliland iyo wada xaajoodyadii dhexmaray madaxda dalka Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, arrimaha doorashooyinka iyo wixii uga soo baxay.

Safiir Baashe ayaa sheegay in Wasiirka Qorsheynta Xasan Gaafaadhi oo hadal ka jeediyey uu ka waramay iskaashiga u dhexeeya beesha caalamka, go’aamadii xukuumadu ku hakisay wada shaqeyntii u dhexeysay hay’adaha QM iyo wadaxaajoodkii dhexmaray wakiilka QM Mr Swan la yeeshay Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo kulanka hadal ka jeediyey ayuu sheegay Safiir Baashe inuu dublamaasiyiinta beesha caalamka u bayaamiyey qorshahayaasha xukuumadda Somaliland uga baahan tahay in laga taageero iyo nidaamka loo mari karo.

Sidoo kale, Safiirka dalka Denmarka Hon Thonke oo dublamaasiyiinta beesha caalamka ee kulanka ka qeybgalay afkooda ku hadlay ayaa gunaanadkii kulankaa sharraxay is- faham lagu gaadhay in la sii wado wada shaqeynta iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa qaabka ama nidaamka Somaliland iyo qaadhaan bixiyeyaashu u wada shaqeeyaan mustaqbalka, ayuu yidhi Safiir Baashe.

Dhinaca kale, Safiir Baashe Cawil ayaa sheegay in Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Maaliyadda, Mudane Xassan Gaafaadhi iyo Dr. Sacad Cali Shire ay shalay kulan la qaateen Madaxa xidhiidhka Golaha Wasiiradda ee dalka Kenya, Joseph Kinyua kaas oo ka dhacay Madaxtooyada dalka Kenya. Sida oo kale masuuliyiinta ayaa kulan sharafeed la qaatay Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Caafimadka dalka Kenya Dr. Rashid Amaan.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com