Komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa Ayaa Soo Afjaray Khilaaf Mudo Dheer Ka Dhex Tagna Masuuliyinta Gobolka Saraar

Komishanka Maamul Wanaaga Iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa Ayaa Soo Afjaray Khilaaf Mudo Dheer Ka Dhex Tagna Masuuliyinta Gobolka Saraar

Komishnka maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa Soomaalilaan ayaa soo afjaray khilaaf in mudo ah u dhexeeyay g/ deegaanka dagamada caynabo ee xarunta gobolka Saraar

Gud: Koomiishan maamul wanaaga Mudane Axmed Jaamac waxa uu ku tilmaamay wada shaqayn la’aanta Xildhibaanada iyo maayirka caynaba inay ahayd arin jirta, oo culayskeeda leh taas oo Caqabad maamul oo hor taagan horumarka iyo shaqada laga sugayo D/hoose balse maanta oo ay taariikhdu tahay 6/05/2019 ay koomishan ahaan guul ka gaadheen in ay mideeyaan golihii is-hayay sidokalena khilaafkii jiray layska dhaahiyay, hadda kadib golahaasi danta guud, adeega dadwaynaha iyo bilicda magaalada Maamul wanaag hagaagsan lagaga shaqayndoono

Shaqaalaha dawladda hoose ee caynaba ayaa geesta kale waxaa dhawrkii maalmood ee tegay usocday tababar aqooneed kor loogu qaadayo maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa.