Kulamada La Qorsheeyey Ee Weftiga Madaxweyne Biixi Dalka Mareykanka Ku Yeelan Doono Iyo faa’iida Somalland Ugu Jirta.

Ambassador Bashiir Good Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Fa’iidada Somaliland Ugu Jirta Mareykanka Weftiga Uu Hoggaminayo Madaxweyne Biixi.

Hargeysa(Hayaannews):Wakiilka Somaliland ee Dalka Mareykanka Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good ayaa markii ugu horeysay ka hadlay faa’iidada Somaliland ugu jirta Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo galabta fiidkii si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Mareykanka, isla markaana waxa uu soo bandhigay masuuliyiinta sar sare ee dawladaasi  ee uu kulamada la yeelan doono.

Mar la weydiiyay Wakiilka Somaliland u qaabilsan dalka Mareykanka Bashiir Sheekh Cumar Good u-jeeddada Weftiga uu hogaaminayay Madaxweyne Biixi ee lagu soo dhaweeyey dalka Mareykanka? Waxa uu ku jawaabay “Safarka Madaxweynuhu waxa uu daaran-yahay, waayadan-ba waxa soo korayay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka ilaa saddexdii sanno iyo dheeraadkii aan soo dhaafnay, marba heer ayuu soo marayay, laakin si xawli ah ayuu u korayey. Waxa iyaduna soo korodhay duruufo baddan oo ka jira Gobolka iyo adduunka-ba, taasina ay keentay halgan weyn oo ka dhaxeeya Mareykana iyo Shiinaha,waxaana imika ku soo biiray Ruushka. Marka waxaas oodhan la isku soo xorriyo Somaliland-na waxay tahay Meesha kaliya ee Gees-ka Afrika ay ka jirto nabad dimuqraadiyad iyo fir-fircooni. Markaa Mareykanku aad u xiiseeyey Somaliland in la soo dhaweeyo oo wax lala qabsado, taasina ay ku xidhan tahay hawshii badnayd ee aanu gelinay”.

“Marka dawladaha waa weyni uu hirdan Siyaasadeed ku yimaado,wax-yaabaha ugu horeeya ee ay ku loolamaan waxa weeyaan meelaha Istaraatijigaa iyo meelaha biyo mareenada ah ee dhaqaalaha, ammaanka iyo ganacsiga aduunka u muhiimka ah, Sidaasi awgeed waxaad ogtahay inay Somaliland ku taalo buqcad aad ugu muhiima dhinaca amniga iyo dhinaca ganacsiga aduunka oo ay maraan marinta gacanka cadmeed oo 40% (Boqolkiiba Afartan) ganacsiga adduunku uu maro. In ka baddan 20% (Boqolkiiba labaatan) ay marto saliida adduunka ama shidaalka adduunka lagu shido. Markaa mareykanku waxay Somaliland u arkaan meel ay Saaxibtinimo dhow la yeeshaan oo aanay gacmo kale u soo waydaaran”. Ayuu ku yidhi Wakiilka Somaliland ee Mareykanka Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good oo Wareysi dhinacyo baddan taabanaya siiyay Telefiishanka HCTV.

Ambassador Bashiir Sheekh Cumar Good oo Ka Hadlayay faa’iida Somaliland ugu jirta Weftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ee socdaalka ku tagay dalka Mareykanka?, waxaanu ku jawaabay“Somaliland waxay ka heli kartaa dawlada-weyn ee Mareykanka la yeelan kartaa xidhiidh dhaqaale, maal-gelin ayaa imanaysa, waxa iman-karta in la iska kaashado dhinaca istaraatijiyada, tababarada iyo ammaanka, waxyaabo fara baddan ayaa Somaliland uga soo kordhi karaa inay xidhiidh fiican la yeelato Mareykanka.”

Ambassador Bashiir Good oo sharxaya masuuliyiinta Mareykanka ee uu kulamada la yeelan doono iyo muddada uu joogi-doono dalkaasi? Waxaanu ku jawaabay “Madaxweynuhu waxa uu maalinta Isniinta abaaro 11:00 subaxnimo uu ka jeedin doona hadal taariikhiya Heritage foundation oo ah meelaha rayi’ga laga curiyo kuwa ugu waa-weyn dalka mareykanka uguna hantida baddan. Markaa dadka la soo casuumay waxay isugu jiraan laba qeybood, dad Internet-ka ka daawanaya iyo dad imanayaa, dadka la soo casuumay waa dad ka tirsan dawlada waa dad aqalka baarlamaanka (Congress-ka) shaqaalihiisa, waa dad ka tirsan khubarada Gobolka iyo meelo kale-ba wax ka qora, aqoonyahanka iyo saxaafadda-ba way imanayaan. Markaa had iyo jeer Madaxweynayaashu iyo ra’iisal-wasaarayaashu marka ay yimaadaan Mareykanka waxa mar-walba geed ka go’ana, meelaha rayi’ga laga curiyo (Think Tank) inuu ka hadlo, markaana meelihii ugu wanaagsana ayuu ka hadlayaa. Madaxweyunuhu waxa uu joogayaa ilaa 19-cisho.”

“Madaxweynuhu waxa uu shirar kala duwan la geli doonaa dawlada Mareykanka maamulka Madaxweyne Biden qeybihiisa kala duwan Wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka, Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Golaha amniga aqalka cad ee Mareykanka, waxa kale oo uu la shiri-doona guddiyada arrimaha dibadda ee labada aqal ee Mareykanka ee “Senate-ka Iyo Congress-ka” iyo kuwa u qaabilsan cimilada iyo ilaalinta duur-joogta, dabadeed meelo kale ayuu ka hadlayaa iyo doodo kale oo ay Jaamacado ka mid yihiin iyo meelaha kale ee rayi’ga laga curiyo (Think Tank), waxa kale oo uu la kulmayaa NGOs-ka waa-weyn ee dalkan sida UICD-da iyo mid la yidhaahdo National Endowment for the Democracy”.

Bashiir Sheekh Cumar Good oo ka hadlayay kulanka uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi la yeelan doono Jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi, waxaanu ku jawaabay“19 March Madaxweynuhu waxa uu qeybgeli doonaa shir uu la yeelan doono bulshada reer Somaliland ee ku dhaqanka Mareykanka oo ka bilaabmaya 8:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo soconayaa, oo lagu naaqishi doono arrimo baddan, habeenimadana casho maamuuseed ayaa la sameyn doonaa, halkaas ayuu bulshada Mareykan kala hadli doona”.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com