Hargaysa-(Hayaannews) Kulan lagu lafa gurayay Siyaasadda
Warbaahinta Somaliland ayaa lagu soo gebogabeeyey Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa
waxa soo qabanqaabisay Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland,
waxaana ka soo qeybgalay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Ururka
Mareegaha Somaliland ee SOMA, Ururka Haweenka Warbaahinta Somaliland ee WIJA, Ururka
Hablaha Warbaahinta ee FIMO, daneeyayaasha Warbaahinta ee kala ah Dalada
bulshada rayidka ee SONSAF, Akademga Nabada iyo horumarinta Somaliland APD, Xrunta
dhaqanka Hargeysa, Xarunta xuquuqal iinsaanka, Machadka Horumarinta,
Garyaqaano, qaar ka mida Ruug-cadaaga Saxaafadda Somaliland iyo Xafiiska Dawlada
Ingiriiska ee Somaliland.
Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland SOMA, Mustafe
Cabdi Maxamed (Mustafe Janaale), oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku bogaadiyey
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland inay ku soo marti
qaaday kulanka lagaga arrinsanayay Siyaasadda Warbaahinta “Waxaan ku
bogaadinayaa Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Warfaafinta iyo
wacyigelinta Somaliland Cabdiqaadir Dayib Askar oo soo qaban-qaabiyay kulankan
qiimaha baddan,isla markaana Ururkayaga (SOMA) nagu soo casuumay waa markii ugu
horeysay ee ay Wasaarada Warfaafintu qabato kulankan lagaga tashanayo Siyaasadda
Warbaahinta….. Waa inuu kulankani noqdaa mid midho-dhala oo ay ka soo baxaan
Siyaasad anfacda guud ahaan Warbaahinta Somaliland oo dhowr iyo labaatanka sannadood
ee soo socda lagu shaqeeyo, balse yaanu noqon mid dhinac kaliya ka raran oo dib
u dhac inagu keena……. Mudda ay jirtay Somaliland Xeerkii Saxaafaddu waxa uu
yaala Golaha Wkiillada oo muu dhaqan-gelin oo xukuumadda ayaa hortaagan, waxaan
ugu baaqayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay hirgeliso Xeerkan lagu dhaqayo saxaafadda…..Saxaafaddu
waa muraayada uu qarani iska daawado”
Guddoomiye Kuxigeenka Ururka Telefiishanada madaxa-banaan
ee SIBO Keyse Axmed Digaale, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Warbaahinta ee WIJA Yaasmiin Axmed Yuusuf, Agaasimaha Ururka Hablaha
Warbaahinta ee FIMO Warda Axmed Rooble iyo Agaasimaha Ururka Saxaafadda Somaliland
ee SOLJA Xamse Xanas oo halkaasi ka
hadlay ayaa si isku mida u soo dhaweeyey kulankan lagaga arrinsanayey Siyaasadda
Warbaahinta Somaliland, isla markaana ugu baaqay xukuumadda Somaliland inuu
kulankani ka soo baxo Siyaasadd anfacda Warbaahinta Somaliland oo uu ka duwanaado
kulamadii hore loo qaban jiray, waxaanay xuseen in muddadii uu socday ay isku
dhaaf-sadeen arrimo baddan oo ku saabsan siddii loo horumarin lahaa guud ahaan
saxaafadda Somaliland, si ay ula jaan-qaado warbaahinta dunidda horumartay.
Agaasime Waaxyeedka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka
iyo Wacyigelinta Ayaan Cabdirisaaq Jaamac oo halkaasi ka hadashay ayaa si
niyadsani ah u soo dhaweysay kulankan lagaga tashanayay Siyaasada Warbaahinta Somaliland,
isla markaana waxay u rajaysay inay ka soo baxaan qodobo midho dhala oo anfaca Warbaahinta
Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda
warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa
sheegay in figradihii ku saabsanaa samaynta siyaasadda saxaafadda Somaliland ay
wasaaraddu dhawaan ka soo saari doonto bayaan, waxaanuu intaas ku daray in
mudadii uu kulankaasi socday la isku dhaafsaday arrimo badan oo ku saabsan
sidii kor loogu dhaadi lahaa tayada saxaafadda Somaliland, wasaaradduna ay soo
dhawaynayso waxkasta oo hagaajinaayo xaaladda saxaafadda Somalilanad.
“Waxaan idin damaanad qaadaynaa inay siyaasadu
noqoto mid aynu ku xalino caqaabadaha haysta warbaahinta…….waxaan halkan ku
daah furayaa ereyga ah Warbaahinta dadweynaha ee ay dawladu gacanta ku hayso,
halka markii hore laga odhan jiray warbaahintii dawlada. Siyaasadda warbaahinta
ee halkan ka soo bixi doonta waxay noqonaysa mid qiimo baddan oo deeqda
warbaahinta oodhan….caqabada ugu weyn ee ina haysataa waa mid sharci”Ayuu yidhi
Wasiir Cabdinaasir.
Cabdinaasir Cumar Jaamac wasiir
ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland wuxuu
intaas ku daray in wasaaraddu mar kale soo qaban qaabin doono kulan kale, kaas
oo dib loogu eegi doono siyaasadda saxaafadda Somaliland, taas oo ay hadda
gacanta ku hayso wasaaradda warfaafintu.