Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Djibouti Iyo Qoddobada Ay Ka Wada Hadleen!

Djibouti (Hayaannews)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Jabuuti, kadib markii uu marti-qaad ka helay dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Md Muuse Biixi iyo weftiga Golaha Wasiirrada oo Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa ka raacay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Air Djibouti, ayaa markii uu gaadhay garoonka diyaaradaha Djibouti ee caasimadda dalkaas, waxa qaabilay Raysal-wasaaraha Dalkaas oo soo dhaweyn heerkeedu sarreeyo oo xambaarsan meeqaamka xurmaynta iyo qaabilaadda madaxda.

Kadib, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana halkaas uga bilaabmay kulan aanay warbaahintu goobjoog ka ahayn waxyaabaha ay labada dhinac kaga wada-hadleen iyo ujeeddada uu xambaarsan yahay marti-qaadka uu fidiyey Md Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaanu warku intaasi u darayaa inay kulanka labada Madaxweyne dhexmaray, ay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, fududaynta isu-socodka iyo Ganacsiga ka dhexeeya labada shacbi, ee walaalaha iyo deriskaba ah.

Waxaana kulankaa ku wehelinaayey madaxweyneyaasha dhinaca Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland wasiirrada Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Warfaafinta, wacyigelinta, Dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed.

Dhinaca, Jamhuuriyadda Jabbuutina waxa ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Md. Siciid Nuux Xasan, wasiirka Ganacsiga Md. Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaadhsiinta, Md. Ridwaan Cabdilaahi Bahdoon iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Almis Maxamed.

Waxa xusid mudan inay weftiga Madaxweynaha ka sii horeeyeen xubno ka tirsan La-taliyeyaashiisa oo ay ka mid yihiin siyaasyiinta caanka ah ee Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Cali Maxamed Warancadde.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka madaxweyne Muuse Biixi maanta ku tagay dalkas Jabuuti iyo kulanka dhexmaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku soo beegmaya xilli aanay deggenayn xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee Gobolka, iyadoo Dagaallo ka socdaan gudaha dalka Ethiopia isla markaana ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay isku-bahaysanayaan Qoomiyadda Canfarta ee degta dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Eritrea.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com