#LAASCAANOOD: Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Dilka Nin iyo Xaaskii

Laascaanood (aftahannews):- Taliska Ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa sheegay inay baadhayaan dil xalay magaaladaas ka dhacay oo lagu dilay Nin Askari ahaa iyo Xaaskiisii.

Dad hubaysan oo aan weli la aqoonsan, ayaa toogasho ku dilay Xaaskaas illaa hadda si rasmi ah looma oga sababta dilkaas keentay iyo cidda ka dambaysay toona.

Magaalada Laascaanood, waxa hore uga dhacay dilal lala beegsaday masuuliyiin dawladdeed iyo dad ka mid aaa Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Dowladda ee gobolka Sool.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sool oo ka hadlay dilkan, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalka lagu daba socdo kuwii dilka geystay.

HALKAN HOOSE KA DAAQO MUUQAALKA TAIYAHA QEYBTA BOOLISKA:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com