“Labadan kornayl Waxay iska iibiyeen, Hadaan Muuse Ahay Mar Labaad ordi Maaye, 2-sanno Oo Kordhis Ah Ayaan Rabaa Kadib-na Adaan Ku Sharaxaya” Faysal C. Waraabe

Hargeysa (Hayaannews):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa kashifay qorshe uu sheegay inay Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha guduhu Maxamd Kaahin ku heshiiyeen oo qori isu dhiib ah.

Guddoomiye Faysal, ayaa Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay inuu qorshaystay laba sannadood oo uu muddo-kordhin kursiga ku sii fadhiyo, isla markaana uu Macaaradka kaga baxay ballan uu la galay oo la xidhiidha qabashada doorashada Madaxtooyada, taasoo uu sheegay inay ku heshiiyeen Wasiir Maxamed Kaahin inuu dhisi doono marka uu dhammaysto laba Sano oo muddo-kordhin ah.

Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi dhibaatooyin geystay intii uu xilka hayay, sidaas darteedna uu u doonayo inaanu tartamin ee uu muddo-kordhin helo. Waxaanu intaas ku daray inay mucaaradadda ka yareeyeen markay arkeen UCID iyo Waddani habdhaqanka Madaxweyne Muuse Biixi.

“Muuse wuxuu noqday Madaxweynihii ugu nasiibka badnaa ee ugu mucaaradadda yaraa, mucaaradadda waannu ka ilaalinnay, markaannu aragnay siduu u socdo, ayaannu nidhi si nabadgelyo ah doorashooyinku haku dhacaan. Sidaas oo kale ayay Ajinabigii ka niyad-jabeen, Somalilandna waa laga jeesatay, Muuse markii la arkay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Faysal, waxa uu ku dooday in niyad-jabka Shacabka Somaliland ka qaadeen Madaxweyne Biixi ay dhiirrigelin u noqotay doorashada Soomaaliya ka socota ee Baarlamaanka oo dad badan oo reer Somaliland ahi kuraas u doonteen.

Waxa uu Faysal oo arrintaas sharraxayaa yidhi; “Madaxweyne Biixi Shacbigii reer Somaliland wuu qaybiyay, eex qabyaalad, caga juglayn, xadhig, waxaynu gaadhnay maanta xilli doorashada Xamar ka dhacaysa, ee bakhtiga ah, ee loo bixiyay Dir-waqooyi loo kala dheeraynayo, taas waxa keenay niyad-jab uu dalka ku riday Muuse Biixi.”

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlayey ballanta Madaxweyne Biixi kaga baxay Xisbiyada mucaaradka ah, waxa uu yidhi; “Madaxweynuhu wuu nagaga baxay balantii, Cirro waxay kusoo heshiiyeena wuu ka baxay.”

Waxa kale oo Faysal sheegay qodob ay ku heshiiyeen Madaxweyne MuuseBiixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed. “Labadan kornayl maxay iska iibiyeen?, waxay iska iibiyeen, hadaan Muuse ahay mar labaad ordi maaye, 2 sanno oo kordhis ah ayaan rabaa kadibna adaan ku sharaxaya”. Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa marar badan ku gacan-saydhay rabitaanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye ee ah in doorashada Ururrada Siyaasadda la qabto ka hor doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u muddaysan 13ka November 2022-ka, halka Xukuumaddu sheegtay in Xisbiyada ka soo baxa tartanka Ururrada ay ku tartami doonaan doorashada Madaxtooyada, doonistaas, ayey Mucaaradku ku tilmaameen mid aan sharci ahayn, isla markaana aanay aqbali doonin