Liiska Magacyada Xildhibaanada Gobolka Maroodi-jeex Oo La Shaaciyay Iyo Codadka Ay Kala Heleen Natiijada Hor-dhaca Ah Ee Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka.

Hargeysa(Hayaannews):-  Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee doorashadii isku sidkanayd ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee degmada Hargeysa iyo Gobolka Maroodi-jeex oo ahaa gobolkii iyo degmadii gu dambeeyey ee natiijadooda la soo saaro.

Komiishanka doorashooyinka ee Gobolka Maroodi-jeex waxay sheegeen sida ay Xisbiyada qaranku u kala heleen 17-ka Xubnood ee golaha deegaanka Caasimadda Hargaysa ka kooban tahay Waxayna u kala heleen:

Xisbiga UCID oo Helay 4 Xubnood

Xisbiga KULMIYE oo helay 6 Xubnood

Xisbiga WADDANI oo helay 7 Xubnood .

Magacyada Xildhibaannada Guulaystay ee Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Siday Xisbiyadu u kala heleen:-

Magacyada Xildhibaanada Xisbiga UCID ee Golaha Deegaanka Hargeysa

  1. Xuseen Ibraahim Xasan
  2. Siciid Cabdisamad Cudhay
  3. Cabdikariin Xasan Cabdi Garas
  4. Aadan Axmed Cumar Yuusuf.

Magacyada Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee Golaha Deegaanka Hargeisa

  1. Aadan Jaamac Mideeye
  2. Siciid Jaamac Cali
  3. Cabdiraxmaan Soltelco
  4. Jamaal Cismaan Cabdalla
  5. Axmed Juxa
  6. Maxamed Abiin Siikaawi.

Magacyada Xildhibaanada Xisbiga WADDANI ee Golaha Deegaanka Hargeysa

 

  1. Cabdikariim Axmed Mooge
  2. Yaasiin Cumar yare

4 Faysal Cabdiraxmaan

  1. Cabdi Maxamed Faarax

6 Mawliid Maxamed Giire

  1. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Maxamed.

 

Dhinaca Kale, Guddiga Doorashooyinka waxay shaaciyeen natiijada hordhaca ah ee codbixinta Golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex oo ka kooban 20 Kursi.

Xisbiga Kulmiye ayaa ku guulaystay 8 Kursi, halka Xisbiga Waddani ku guulaystay 7 Kursi. Sidoo kale, Xisbiga UCID, ayaa ku guulaystay 5 Kursi.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo hore u haystay 22 Kursi ayaa haatan haysta 30 Kursi, halka xisbiga Waddani uu guud ahaan codbixinta dalka ku guulaystay 31 Kursi. Xisbiga UCID, ayaa isaguna helay 22 Kursi oo ka mid ah 82 kursi ee golaha Wakiillada Somaliland ka kooban yahay

 

Xildhibaannada Xisbiga UCID

 

Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) – 8316

Maxamed Khadar Daahir Mooge – 6257

Maxamed Jaamac Ismaaciil – 4741

Maxamed Cismaan Maxamed – 4450

Maxamed Xasan Siciid Maxamuud – 4185

 

Xildhibaannada Xisbiga Kulmiye

 

Axmed Maxamed Maxamuud (Kaare) – 9755

Axmed Cabdi Muuse Cige – 8791

Cabdikariim Maxamed Muxumed 8653

Yaxye Cabdilaahi Aamin Ismaaciil – 6443

Xasan Saleeban Dhuxul – 6148

Maxamed Xuseen Jaamac (Raanbo) – 5887

Axmed Yuusuf Nuur Guruuje – 5526

Cabdilaahi Sh. Muxumed Axmed – 5,145

 

Xildhibaannada Xisbiga WADDANI

 

Barkhad Jaamac Xirsi Batuun – 20231

Axmed Dayib Aadan Guuleed – 6839

Siciid Maxamed Ismaaciil – 5944

Jamaal Aadan Diiriye – 5803

Eng Axmed Cabdi Ibraahim 5712

Xuseen Ismaaciil Jaamac – 5435

Ibraahim Maxamed Jaamac – 5116

Natiijada hordhaca ah ee Gobolka Maroodi-jeex iyo degmada Hargaysa ayaa soo gabo gabaysay Natiijooyinka hordhaca ah ee Guud ahaan degmo doorashooyinka dalka.

Sadexda xisbi qaran, ayaa ka kala helay 20 degmo doorasho oo dalka oo dhan ah golayaashooda deegaanka sidan:-

■ KULMIYE 93 Xildhibaan Golle Deegaan

■ WADDANI 79 Xildhibaan Golle Deegaan

■ UCID 48 Xildhibaan Golle Deegaan.

Dhinaca Kale, Sadexda Xisbi qaran, ayaa ka kala helay 82-ka xildhibaan ee golaha Wakiilladu ka kooban yahay Sidan:-

■ UCID 21 Kursi.

■ KULMIYE 30 Kursi.

■ WADDANI 31 Kursi.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com