Lix Degmo Oo Ay Kaadh-qaybinta Diwaangelinta Codbixiyeyaashu Ka Sii Socon Doonto SAAXIL iyo SOOL

Berbera (#Hayaannews)- Afar Degmo ayey ka sii socon doonta Kaadh-qaybinta Diwaangelinta codbixiyeyaashu muddo todobaad ah gobolka Sool, kaddib markii la soo gabagabeeyey saddex maalmood oo ay ka socotay goob-doorashooyinka gobolka oo dhan.

Degmooyinka Laascaanood, Caynaba, Taleex iyo Xudun, ayaa waxa maalmaha todobaadka ah ku sii sugnaan doona Kooxaha Guddida Doorashada ee fulinaya howsha kaadh bixinta, sida ay sheegeen xubno kamida Guddida sare ee Doorashooyinka Qaranka oo Shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Laascaanood.

Bixinta Kaadhka codbixiyeyaasha ee diwaangelintii dalka ka qabsoontay 2020-kii iyo 2016-dii, ayaa Khamiistii Usbuucii hore ka bilaabantay Gobolada Sool, Sanaag iyo Saaxil, kuwaasoo dhamaantood in laga soo gebagebeeyo qorshuhu ahaa maalintii Sabtida gelinkii dambe, laakiinse Guddidu waxa ay shaacisay labada gobol ee Saaxil iyo Sool in shaqada goobihii badnaa la soo laabay oo 16 bisha goobo xadiddan shaqadu ka sii socon doonto.

Gobolka Saaxil, ayaa waxa ay guddida Doorashooyinku ku dhawaaqeen in wajigii koowaad ee Kaadh-qaybintu soo gebageboobay, isla markaana dhamaan sanaaduuqdii la dhigay 90 goobood ee degmo-doorashooyinka Sheikh iyo Berbera la soo xereeyey Axaddii shalay.

Labadan degmo ayaa waxa ka sii shaqayn doona muddo todobaad ah goobo cayiman oo ay ka heli karaan kaadhka dadka aan wali qaadan ee saddexdii maalmood ee ololluhu socday fursada u waayey.

“Degmada Berbera waxa lagu sii shaqayn doonaa oo saddex iyo lixdankii goobood laysugu soo uruuriyey oo laga qaadanayaa xarunta Jaamacadda Badda, Degmada Sheikh-na waxa 27-kii goobood ku soo hoydeen Dugsiga ku dhex yaalla dawladda hoose oo ay dadku ka qaadan doonaan”ayuu yidhi mid kamida Guddida Doorashooyinka oo wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Berbera.

Gudaha Magaalada Laascaanood, ayaa waxa la dhigayaa wajiga labaad 3 goobood oo gudaha magaalada ah iyo goob la dhigayo Degmada Kala-baydh.

Degmooyinka Xudun iyo Taleex ayaa la dhigayaa midkiiba hal goob, halka Degmada Caynaba la dhigay laba goobood, waxaanay dhamaan gooahani sii shaqayn doonaan muddo todobaad ah oo ka bilaabmaysa 16 bisha ilaa 23-ka bisha, sida ay Guddida Doorashooyinku ku shaaciyeen shirar jaraa’id oo ay ku qabteen Berbera iyo Laascaanood.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com