“Ma Jirto Cid Dhoqoshay Harraad Ugu Dhimatay” Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Cali Marreexaan

Waiir Cali Mareexaan-Hayaannews 1

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) ayaa sheegay in aanay jirin cid harraad ugu dhimatay degmada Dhoqoshay ee gobolka Togdheer, waxaanu ku tilmaamaay been abuur warar arrintaasi la xidhiidha oo la faafiyey.

Wasiir Cali Mareexaan waxa uu sheegay in degmada Dhoqoshay ay ka mid tahay meelaha aan weli biyuhu ka go’in isla markaana ay booyadaha biyuhu ay goobaha kale ee harraadan ay ay ugu dhaamiyaan biyaha, inkasta oo ay iminka biyuhu ka sii yaraanayaan.

Wasiirka oo qoraal kooban oo uu soo dhigay barta u uku leeyahay mareegaha Internetka ee Facebook, ayaa arrintaasi kaga jawaabayay, waxaanu ku yidhi “Ma jiro cid degmada Dhoqoshay harraad ugu dhimatay, warka la faafiyeyna waa been.

Dhoqoshay waxay ka mid tahay meelaha aan weli biyuhu ka go’in oo xitaa booyaduhu meelaha kale ugu dhaamiyaan, inkasta oo ay iminka biyuhu ka sii yaraanayaan. Arintaa maanta (shalay) oo Jimce ah masaajid jaamaca Dhoqoshay waa lagaga hadlay, waana lagu beeniye.”