Maamulaha Cusub Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa Oo Ka Dareen Celiyey Xilka Loo Magacaabay.

“Xilka lay magacaabay illama yara waan ku qanacsanahay illaa xad sababa baddan awgood……” Maamule Sidiiq Cawil Axmed-XAJIIN.

Hargeysa(Hayaannews): Maamulaha Cusub ee Dugsiga Farsamada gacanta ee Magaalada Hargeysa Sidiiq Cawil Axmed-XAJIIN ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilkaasi loo magacaabay, isla markaana ay tahay shaqadiisi oo uu khabrad baddan u leeyahay.

Sidaa waxa uu Sidiiq Cawil ku sheegay mar Khamistii aynu soo dhaafnay u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

“Xilkan ley magacaabay waxaan u arkaa mid igu munaasiba oo waxaan uga mahad-celinayaa Wasiirka waxbarashada Somaliland Axmed Toorno, Agaasimaga Guud ee Wasaarada Waxbarashada Axmed Abokor Iyo Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada waanay ku mahadsan yihiin xilka ay ii magacaabeen. Hawlaha qarankuna midi-ba meelbay ka bilaabantaa qofkastaana waxbuu is leeyahay waxbaad wax ka qaban kartaa ama ku soo kordhin kartaa, tani waa taan islahaa waa tii aad u lahayd khibrada muddo dheerna ku soo dhex jirtay markaa illama yara ee waan ku qanacsanahay illaa xad sababa baddan awgood” Ayuu yidhi Maamule Macalin Sidiiq Cawil Axmed-XAJIIN oo Khamiistii u waramayay Shabakada Wararka Hayaannews oo wax ka weydiisay sida uu u arko xilka loo magacaabay.

Maamulaha cusub ee dugsiga farsamada gacanta Somaliland Sidiiq Cawil Axmed-Xajiin waa macalin aqoontiisu sareyso oo aftahana oo dad yaqaana,isla markaana taariikhda iyo Gabayada uruuriyaa,haddii aad la sheekaysato aad wax baddan ka faa’iideyso, isla markaana aanad ka xiiso go’ayn.

Bare Sare Sidiiq Cawil ayaa markii ay soo baxday magacaabistiisu,ayaa waxa si weyn looga dareemay barta Facebook-ga oo hambalyadiisu qabsatay

Hayaannews, Offce

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com