“Maanta 4-sannadood Ayaa Buuxsamay Oo Shacab Baddani Fartooda Dhexda Ka Qaniinayaan…”Afhayeen Barkhad-BATUUN.

Hargeysa(Hayaannews): Afhayeenka Xisbiga WADDANI, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Barkhad-BATUUN, ayaa ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland inay fartooda ku cumaamadaan hoggaamiye u hor-seedi karaya horumar Somaliland.

Sidaa waxa uu ka sheegay Barkhad Batuun mar uu ka hadlayay  shirkii u dambeeyay ee Guddida Fulinta Xisbiga oo ka qabsoomay Xarunta Dhexe ee Xisbiga ee Magaalada Hargeysa.

“Waxaan u soo jeedinaynaa taageerayaasha Xisbiga (WADDANI),waxaan u soo jeedinaynaa shacabka reer Somaliland inay-u-diyaar-garoobaan doorashada madaxtooyada  oo ay fartooda ku cumaamadaan hoggaamiye horseedi-karaya horumarka Somaliland..”

“Maanta 4-sannadood ayaa buuxsamay oo shacab baddani fartooda dhexda ka qaniinayaan, laakin waxa bilaami doona 5-sannadood oo shacab baddani fartooda mallab ka leefi-doonaan”.Ayuu yidi Barkhad Batuun.

Mustafe Abdi Maxamed (#Mustafe_Janaale)

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com