Maareeyaha Dekedaha Somaliland oo Caddeeyay in Dekadda Berberi Kafaala Qaadi-karto u Adeegiddaa Dalka Itoobiya
April 28, 2019 - Written by admin
Berbera
(Hayaannews):- Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi,
ayaa sheegay in ay dekedda Berbera u diyaarsan tahay u adeegsita dalka Itoobiya
oo uu sheegay in ay kafayn karto baahida wixii uu la soo degeyo iyo wixii uu
dhoofinayoba.
Waxaa
kale oo uu sheegay in guud ahaan dekeda Berbera ay hadda diyaar u tahay raali
gelinta macaamiisha ay u adeegaan oo aan ku koobnayn ganacsatada Somaliland oo
keliya, balse ay dalalka deriska oo dhan ganacsatadoodu ay wax kala soo degto.
Waxaanu
intaa raaciyay in ay arrimahaa u fududeeyeen qalab casri ah oo dekeda Berbera
lagu soo kordhiyay oo ay ugu muhiimsan yihiin waiishashka casriga ah ee dhawaan
dekedu ay soo iibsatay.
Waxaanu
sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefankaku siiyay wargeyska
Dawan, ugu horrayn Maareeye Siciid oo aanu wax ka waydiinay socdaal ay dekeda
Berbera ku tageen wefti heer wasiirro ah oo ka socda dawlad deegaanka
Soomaalida Itoobiy, ayaa yidhi. “Waxa ay u socdeen in ay soo arkaan halka ay
marayso jidkii isku xidhayay Berbera iyo Wajaale kaas oo hadda meel fiican
maraya, waxaanay eegeen hannaanka ay u shaqayso Dekeda Berbera oo hadda u diyaarsan
in ay kafayso baahiyaha dekedeed ee dadka iyo dalka Itoobiya uu u baahan yahay
oo ay ugu horreeyaan bulshada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo marin u
ah isku xidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana jirta marka aad adeegaaga
gaadhsiiso jaarkaaga ayaad cid kalena u gudbi kartaa markaa adeegga dekedda
Berbera hadda waa mid ku filan oo kafayn kara dalka Itoobiya, waxaa kale oo
aanu soo dhawaynayanaa guud ahaan ganacsatada kale ee dalalka Bariga Afrika oo
aanu u damaanad qaadayno adeeg wanaagsan iyo degdeg ay alaabooyinkooda kula
degi karaan kuna dhoofsan karaan.”
Maareeyaha
oo la waydiiyay in ay jiraan xilligan xoolo ka dhoofa dekeda Berbera iyo u
diyaar garawga mooshinka Xajka, ayaa yidhi. “Imika xoolo way dhoofaan, laakiin
way yar yihiin waxaanay u dhoofaan dalalka Yemen iyo Sucuudiga, laakiin waxaan
rejaynaynaa in xoolihii ugu badnaa ay sanadka mooshinka Xajka inoo dhoofaan
taas oo ay suura gelinayso heshiis dhoofka xoolaha ah oo dalalka Imaaraadka
Carabta iyo Somaliland wada galeen, waxaanan ahmiyadda ugu wayn aanu siinaynaa
xilliga mooshinka Xajka dhoofka xooleheena.”
Maareye
Siciid oo ka hadlayay sida ay ugu diyaar garoobeen u deegsta ganacsiyada kala
duwan xilliga Ramadaanta ee ka soo degeya, ayaa yidhi. “Hadda dekedu waxay u
diyaarsan tahay in ay dhammaan kaafido baahiyaha ay u baahan yihiin dadka loo
adeegayo oo ah ganacsatada wax kala soo dega kana dhoofiya dekeda Berbera oo
aan ku koobnayn ganacsatada Somaliland ee laakiin ka socda gud ahaan dalalka
deriska oo ay ka mid yihiin kuwa Itoobiya, waxaanan hadda haysanaa wiishash
casri ah oo suura gelinay in dekeda Berbera ay si deg deg ah ugu adeegto
macaamiisheeda kala duwan oo aanay alaab ka habsaamaysaa aanay jirin, taas oo
noo suura gashay intii wiishashka casriga ah aanu la soo degnay iyo kor u
qaadista tayashada aqoonta shaqaalaha oo aanu awood badan galinay.”
Waxaanay
ka hadleen xidhiidhka labada dale e Itoobiya iyo Somaliland iyo adeegyada ay
dekeda Berbera ay qabato iyo jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale.
Waxaana
horrayn shirkaa jaraa’id ka hadlay wasiir Saleebaan Cali Koore, waxaanu yidhi.
“In aanu kheyraadka soo tusno ganacsato faro badan iyo xubno ka mida golaha
wasiiradda ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, xigmaduna waxay aheyd in
aan is dhaafsano aqoon ku saabsan deegaamada, sidii umaddu u wada noolaan
laheyd, sidii loo wada ganacsan lahaa, sidii bulshadu isu fahmi-laheyd dhawr
jeer waxaaynu nidhi dadka af Soomaaliga ku hadlaa isaga oo wax kala leh waxna
ha wada yeesho, teeda kale waxaa dekadda Berbera sugeysa in boqol milyan oo
Itoobiyaan ah iyo in ka badan ay adeeg bixin u sameyso”
Maareeyaha
guud ee dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi ayaa weftigii ka socday
dawlad deegaanka Soomaalida ugu bushaareeyay wakhtiga rasmiga ah ee la filayo
in dhismaha balaadhinta dekaddu ay soo dhammaato waxaanu yidhi “Muda dheer ayay
nagu qaadatay marinka umadda Soomaalidu ku nooshahay in albaab u noqoto dalka
Itoobiya waa hawl adag oo aanu ka shaqeynay taas oo uu nagu hoggaaminayo
madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo mar walba ku taamaya is
dhexgalka labada wadan, Al-xamdulilaah sharaf dheeraadda ayay noo tahay, in
aanu wada shaqeyno, 2020-ka bisha Sebtemper ayay dhammaaneysa dhismaha dekadda
qaybteedii balaadhinta, waxaanu rejaynaynaa in wadaduna la dhammaato, mar hadii
wadadaasi dhameystirantana waa albaab furmay dad isku mida ayaynu nahay, waanu
idin soo dhaweynaynaa, anaga laftigayagu Jigjiga waanu iman doona dekad ahaan
iyo maamul ahaanba, dabayaaqada bisha barakeysan ee Ramadaan, macluumaadka
ayaynu is weydaarsan doona waxaanu idiin heynaa adeeg bixin wanaagsan, oo
boqolkiiba boqol raalingelin doona dalka Itoobiya, gaar ahaan dawladd deegaanka
Soomaalida”
Xubin ka mid ah weftiga wasiirada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay sida loogu soo dhaweeyay Berbera,ayaa yidhi. “Waxaan ka mahad celinaya sida sharafta leh ee na loo soo dhaweeyay kolay ujeedadayadu socodaalkan yar oo kaliya maaha, waa socdaal horaantii, in bilahan inagu soo foolka leh weftiyada idiin iman doona ee xagayagu ay qulqul noqdaan ayaa laga yaaba, ujeedada koobaad ee socdaalkayaguna waxaa uu ahaa inaanu isku xidhno labada dal iyo labada dad ee isku midka ah, sidii ganacsigoodu mar walba xortaasi u noqon lahaa, horumarka magaalada Berberi ay gaadho waa horumar qof Soomaaliyeed uu gaadhay dhammaanteena waa uu ina wada saameynaya, waxaa kaliya ee madaxweynaha dawlad deegaanku inta badan ka shaqeeyaana waa sidii umada Soomaaliyeed hal mid u noqon laheyd”