Maareeyihii guud Ee Dekedaha Djibouti Sacad Cumar Geelle oo Dalka Faransiiska ku geeriyooday
October 7, 2019 - Written by admin
Paris(Hayaannews):- Allaah ha u
naxariistee Maareeyihii guud ee Dekedaha Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Sacad
Cumar Geelle, isla markaana walaalo ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti, ayaa
gelinkii dambe ee Isniintii maanta ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada
Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.
Marxuumka, ayaa abbaaro shantii
galabnimo ee Isniinta ku geeriyooday American Hospital ee magaalada Paris ee
dalka Faransiiska oo xaalad caafimaad loo geeyey. Allaah aha u naxariistee
Sacad Cumar Geelleh, wuxuu ahaa hormoodka Horrumarinta Dekaddaha Jabuuti,
waxaanu ahaa shaqsi ku kalsoon himilada Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil
Cumar Geelle ee ahayd sidii dalkiisa iyo dadkiisu ay uga faa’idaysan lahaayeen
istiraatiijiyadda heer juquraafi ee ay ku taal Djiboti.
Iyadoo si heer sare ah uga faa’idaysanaysa bogcada
ay ku taal dhammaan marinnada maraakiibta caalamiga ah, taas oo ka dhigeysaa
Dekadda Jabuuti, dekada badeecadaha ganacsiga u gudbaya Bariga Afrika iyo meelo
kale, isla markaana badeecadaha u dhoofaya dunida kale sida Yurub, Amerika,
Aasia iyo Eeshiya, taasoo si weyn fursad ugu noqotay Dekedda Djibouti.
Marxuum Sacad, wuxuu jeexay
10-kii sano ee la soo dhaafay, qorshaha istiraatiijiyadeed ee horumarinta
marinno gaar ah oo ganacsi, kuwaas oo lagu dhiirigelinayo maalgashiga iyo
ganacsiga gaarka loo leeyahay. Qorashahaas, ayaa sababay horrumarka iyo
ballaadhinta dhismaha dhulal cusub oo lagu ballaadhiyay Dekedda Jabuuti, iyadoo
la sameeyay Terminalo kala duwan iyo aaga horumarineed ee cashuurta ka caagan
(Free Zone).
Maamulka Dekedaha Djibouti ee uu hormoodka u ahaa Maareeye Sacad, waxay muujiyeen sida ay Dekadda Jabuuti oo ka faa’idaysanay Istiraatiijiyada ay dhacdo si joogto ah u wanaajinayso awoodda iyo tas-hiilaadka adeegyada ay bixiso dekeddu si ay uga gaashaamato inay yimaadaan caqabaddaha ka dhalankara korodhka xamuulka xamuulka ee xawliga ah, isla markaana dayactirka kaabayaasha Dekedda mar walba indhaha loogu hayo.
Marxuum Sacad Cumar Geelle
Sidoo kale Maareeyaha
Geeriyooday, wuxuu maamul ahaan u Ballan qaaday macaamiisha in ay ka dhignayaan
adeega dekada ka ugu hufan uguna amaan badan gobolka. waxayna Maamulka
Dekeddaha si cad u muujiyeen aaminsanaanta
firfircoonaanta iyo hal-abuurnimada, iyagoo adeegsanaya teknoolojiyadda
ugu wanaagsan dekeddaha Caalamka ugu horrumarsan, waxaana Marxuum Sacad Cumar
Geelle u ahaa hormood dhammaan qorshayaashaa oo intooda badan hirgalay, isla
markaana si weyn looga dareemay dalka Djibouti iyo Mandaqadaba.
Allaah ha u naxariistee, waxa uu
Marxuumku ifka kaga tegay laba Xaas iyo Gabadh uu dhalay. Meydka Marxuumka,
ayaa lagu wadaa in Khamiista laga soo qaado Faransiiska oo la keeno magaalada
Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana loo samayn doonaa aas
Qaran haddii ILAAHAY yidhaahdo.