Maayarka Magaalada Boorama oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay

Hargeysa (Hayaannews):- Maayarka Magaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa been aan sal iyo Raadtoona la hayn ku tilmaamay warar laga qoray oo lagu Sheegayay inuu ka baxsaday baadhis hantidhawraha guud ka sameeyay.

Saleebaan Xaddi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boorama ayaa waxa uu Sheegay in aanay waxba ka jirin in uu baxsaday dalka Jabuuti, hase yeeshee ay jirtay safar uu ku tegay dalka Itoobiya.

Saleebaan Xaddi oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan la yaabay oo aan is idhi ma adigaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa aniga oo Xafiiska fadhiya oo Safar ka imi oo la yidhi wuu maqanyahay, hadda Safarkaygii ayaan soo dhamaystay, markaa si loogu jawaabo garan maayo qofku marka uu masuul yahay safar wuu u bixi karaa Jabuuti ayuu u baxay ayaan Warbaahinta ku arkay.”.

Saleebaan Xadi oo hadal kiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxaanan tegay Itoobiya hawshaasina waa noo soo dhamaatay hawshaasi mid Shakhsiya iyo hawl qaranba waa loo bixi karaa, Warbaahinta waxa ay leedahay Nidaam waajibaadka Warbaahinta waxa weeye in ay Sheegaan wax la qabtay ama waxa la qalday. ka warkaa qorayna Suxufi maaha, laakiin Sharciga ayaan mari doona wax aan jirin in la sheego waa xaaraan waana war aan sal iyo raadtoona lahayn, dawladda waxa u dhisan tahay in la xidho qofka dambi gala,”.