Maayarka Mooge Oo Digniin U Direy Dadweynaha Reer Hargeysa.

Maayorka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

Hargeysa(Hayaannews): Maayorka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ugu baaqay dadka ku soo dhawaaday dooxa Hargeysa in ay ka durkaan.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ugu waxa uu sheegay in nafaha dadka lagu badbaadin karo Dooxa aan lagu soo dhawaan si aanay halis ugu noqon biyaha maraya,

Cabdikariim Mooge oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxaanu yidhi “Waxa halkan fariin uga dirayaa dadka ku soo dhawaaday dooxa Hargeysa,waa la yaqaanay dooxa Hargeysa xadkiisa,waana lagu celinayaa dooxa Hargeysa xadkiisii. waana sida lagu badbaadin karo nafaha dadka oo aanay halis inagu noqon biyaha marayaa laydhka waalagu xidhi doonaa.”

Maayorka Hargeysa ayaa waxa uu u soo jeediyay shaacabka Hargeysa in qashinka aanay ku qubin dooxa. Waxaana uu yidhi “Waxa aan leeyahay reer Hargeysa dooxa qashinka ka ilaaliya,dooxu barigii uu balaadhnaa waddadiisa kamuu baydhi jirin. gurina muu qaadi jirin markii la soo cidhiidhyay biyihii xawaare ayay ku socdeen.hadaan intan la qaban guryo kale ayuu dhibaato u gaysan doonaa,dadka reer Hargeysa may fahmin qiimaha deegaan ahaan u leeyahay dooxa Hargeysa iyo quruxda Caasimadda in ay tahay dooxa”

Maayorka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com