Maayor Cabdikariin Axmed MOOGE Oo Dhagax Dhigay Mashruuc Laga Hirgelinayo Caasimada HARGEYSA.  

Hargeysa-(Hayaannews)-Maayirka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge Guddoomiyaha Gobolka Maroodi jeex iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc laga hirgelinaayo badhtamaha Hargeysa oo loogu tala galay in dadku ku nastaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile, ayaa sheegay in mashruucani ka mid ahaa afar mashruuc oo laga hirgelinaayo badhtamaha Hargeysa, kuwaas oo ay ka midyihiin Hoyga kaydinta taariikhda Somaliland, Taalada Diyaarada iyo goobtan oo loogu tala galay in dadku ku nastaan, agaasimaha ayaa sidoo kalena sheegay in ay yaryihiin goobaha dadku ku nastaan ee magaalada sidoo kalena ay ka caawinayaan dawladda Hoose oo ay wada shaqayn leeyihiin.

Maayirka Caasimadda Hargeysa C/kariin Axmed Mooge, oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in mashruucani muddo soo socday isaga oo uga mahadnaqay Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland hirgelinta mashaariicdaasi, waxaanu sheegay in marka ay la wareegaan goobtan ay ka dhigi doonaan meel nadiifa oo dadku isugu yimaado cid u gaara oo ka shaqaysana ay u samayn doonaan.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi jeex, Jaamac Xaaji Axmed, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashaariicdani yihiin kuwo kor loogu qaadayo horumarka dalka dayartana looga baahanyahay in ay ka qayb qaataan, waxa uu sidoo kalena sheegay in Madaxtooyada Somaliland waddo mashaariic ay ka midyihiin balaadhinta waddada halbawlaha ah ee Hargeysa iyo mashaariic kale.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com