Machadka IPCS Oo Shir Caalami Ah Kaga Hadlay Xasuuqii Somaliland

Dhaka (#Hayaannews)- Xubno ka tirsan Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa la sheegay inay ku soo bandhigeen xasuuqyadii hore ka dhacay dalka, shir caalami ah oo loo qabtay xuska xasuuqyadii hore caalamka uga soo dhacay, isla markaana lagu baranayey hanaanka looga hortago dembiyada waxashnimada.

Kulanka oo ka dhacay caasimada Dhaka ee dalka Bangaladesh, loona adeegsaday habka muuqaal-araga-fog, kana hadleen 75 marti-sharaf oo wadamadda caalamka ka socday ayaa la sheegay in Aqoonyahano ka socday Somaliland ka qeybgaleen, isla markaana warbixino la xidhiidha mowduuca xasuuqa ka jeediyeen.

Shirkan oo Jimcahii shalay la qabtay, soona qaban qaabiyeen Matxafka Dagaalkii Xoreynta (LWM), ee Dhaka, ayaa Paulo Casaca, gudoomiyaha Hay’adda Dimoqraadiga Koonfurta Aasiya, kaga hadlay ‘Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Bangladesh; hanaan, muhiim u ah isla xisaabtanka, halka Dr. Siegfried O. Wolf, agaasimaha Cilmi-baadhistu ka hadlay ‘dagaalka xoreynta Bangladesh iyo doorka jilayaasha caalamiga ah, sida lagu sheegay mareegta SADF.

Shirka oo aqoonyahano ka socday Machadka Nabadda iyo Daraasaadka Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ka qeybgaleen ayey ku soo bandhigeen warbixino la xidhiidha xasuuqyadii hore ka dhacay dalka ka jeediyeen.

Aqoonyahanadda Maxamed Cabdillahi Ducaale, iyo Maxamed Barwaani oo metalayey Machadka Nabadda ayaa la sheegay inay kaga hadleen warbixin ku saabsan “Marka Dawladdu disho Muwaadiniinteeda: Dacwadda Dawladda Milatariga ee Soomaaliya ee ka dhanka ah dadka reer Somaliland” sida uu ku sheegay fariin ku baahiyey bartiisa twitter Maxamed Ducaale shalay.

Safiirka JSL u jooga dalka Taiwan Maxamed Xaaji oo ka hadlay ayaa bogaadiyey qabanqaabiyeyaasha iyo xubnaha ka qeybgalay, isla markaana sheegay in hore xasuuq fool xun uga dhacay Somaliland, waxaanu fariin ku sheegay ‘Waad ku mahadsan tihiin kuwii soo abaabulay iyo kuwii ka soo qeyb galay “Shirka Caalamiga ah ee Xusuusta xasuuqyadii hore iyo barashada kahortaga dambiyada waxashnimada ah. Somaliland, in ka badan 200,000 oo qof ayaa la xasuuqay – oo ah falkii ugu xumaa ee xasuuqa taariikhda aadanaha.”

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee Shaabkada Wararka ee WWW.Hayaannews.net  Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com