Macluumaad Cusub Oo Lagu Ogaaday Sidii Dagaalka Loogu Dilay Fircoonkii Masar Xukumayay

Qaahira (Hayaannews)- Baadhitaanno loo adeegsaday raajada nooca loo yaqaanno “CT scans” ah ayaa lagu ogaaday arrimo ku saabsan dilkii fircoonkii lagu magacaabi jiray Seqnen Rac-Taacaa II, oo Masar xukumayay 3,600 oo sano ka hor.

Wargeyska Seyniska wax ka qora ee Frontiers ayaa daabacay natiijada baadhitaanka oo uu sameeyay kii hore ee arrimaha taariikhda Masar, Zahi Hawass, isagoo kaashanayay Sahar Selim, oo ah barfasoor cilmiga baadhitaannada raajada ka dhiga jaamacadda Qaahira.

Labada cilmi baadhe ayaa sharraxaad cusub ka bixiyay sidii uu ku dhintay Seqnen Rac, iyagoo xogtoodana ku saleynaya laba ilaa saddex sawirrada raajada CT scan-ka ee ay ku sameeyeen meydka boqorka.

Waxay ku arkeen calaamado dhaawacyo ah oo ka muuqda gacmihiisa, taasoo sharraxeysa suurtagalnimada in dagaalka lagu qabtay isagoo nool, kaddibna gacmihiisa loo xidhay gadaal, sidaas awgeedna aanu iska difaaci karin jugta lagaga dhufanayay madaxa iyo wajiga.

Rajooyinka ayaa shaaca ka qaaday dhaawacyo madaxa kaga yaalla oo markii hore qarsanaa, maadaama raajooyinkii la saaray 1960-kii ayna ahayn kuwo casri ah.

Waxaa la qiyaasayaa in boqorka maaxa wax lagaga dhuftay isagoo hurda, taas oo sababtay in uu geeriyoodo, maadaama ayna jirin wax calaamado ah oo muujinaya in dhaawac seef oo meel kale laga gaadhsiiyay, oo aan ka ahayn midka madaxa kaga yaalla.

Baadhitaanka cusub ee raajada CT ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qiyaasta ku saabsan da’da boqor Seqnen Rac ka hor inta aanu geeriyoonin, waxaana lagu sheegay ilaa 40 sano, sida ay muujinayaan lafihiisa.

Meydka Seqnen Rac ayaa laga arki karaa in uu la mid yahay sida dadka caadiga ah ee Masaarida, oo dhararkoodu yahay 170 cm iyo in jir ahaan uu ahaa qof xoog badan.

Seqnen Rac wuxuu safka hore kaga jiraa boqorradii soo maray taariikhda dalka Masar. Sida uu sheegay Selim Hasan oo ku xeel dheer taariikhdii hore ee dalkaas, Seqnen wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee billaabay dagaalkii waddanka lagaga xoreynayay maamulkii Hyksos, kaasoo isaga markii uu geeriyooday ay sii dhameystireen wiilashiisii la kala odhan jiray Kamos iyo Ahmose.

Isagu wuxuu ahaa wiilkii uu dhalay boqor Sanakht An-Rac Taac I, wuxuuna ka mid ahaa boqorradii 17-kii qoys ee soo maamulay Masar.

Taariikhyahannadu way isku khilaafaan muddada uu Seqnen xilka soo hayay. Waxaa la aaminsan yahay in uu taajka boqortooyada qaatay 1560 BC.

Markii ay taariikhdu ahayd 1880 AD ayaa meydka Swqnen Rac laga helay meel u dhow macbadka 1560 BC.

Cilmi baadhayaal uu horkacayo Elliot Smith ayaa aaminsan in Seqnen uu ku dhintay dagaal culus oo loo adeegsaday tooriyo iyo faashash, oo ay ku soo qaadeen laba qof ama wax ka badan xilli uu boqorka ku hurday sariirtiisa, dhaawacyadii lagu dhuftayna ay uga dhaceen madaxa iyo wajiga.

Dadkii meydkiisa u yimid uma suuragalin in ay si fiican isugu duwaan ama ay ka masaxaan dhiigga iyo qeybo ka mid ah maskaxdiisa oo kasoo qulqulayay wajiga.

Cilmibaadhayaal kale oo uu ka mid yahay Mesbro ayaa sheegay in Seqnen Rac lagu dilay goob dagaal, sababta lagaga adkaadayna ay ahayd in aanu haysanin hub fiican oo ku filan.

Inta badan taariikhyahannada ayaa isku raacay in Senen Rac uu aad uga soo hor jeestay boqorkii maamulka Hyksos, ee la odhan jiray Apophis, kaasoo dhibaato weyn iyo cadaadis ku hayay caasimaddiisa gacanka Nile.

Sida uu sheegay Maniton al-Samnudi, oo ku xeel dheer taariikhda, boqorkii Hyksos wuxuu farriin daahdaansi ah usoo diray Seqnen Rac, isagoo u sheegayay in uu dagaal ku dhawaaqay, maadaama sida uu ku andacoonayay uu ka seexan waayay dhawaaqa jeerta ku nooleyd harada ku taalla qasrigiisa agtiisa, inkastoo ay u dhaxeeyeen boqollaal kiiloomitir.

Xigasho BBC

#Hayaannews