Madaxda IGAD Oo Baaq Ka Soo Saaray Doorashooyinka Soomaaliya

Djibouti(Hayaannews): War-murtiyeed kasoo baxay shirkii madaxda IGAD ay shalay ku yeesheen magaalada Jabuuti ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay xal u helaan muranka ka taagan qabashada doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ee hore loogu heshiiyey ayaa waxaa hakad uu ku yimi jadwalkii lagu qaban lahaa, kadib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo mucaaradka ay diideen guddiyada doorashada ee ay dhisay dowladda dhexe.

Qoraalka madaxda IGAD ayaa lagu soo dhoweeyey heshiiskii 17-kii September ay hogaamiyeyaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka gaareen doorashooyinka federaalka.

“Golaha Madaxda IGAD isaga oo xusaya ahmiyadda hirgelinta heshiiska, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo saamileyda kale, inay ku xalliyaan khilaaf kasta oo la xidhiidha maamulka doorashada iyada oo loo marayo kalsooni iyo hab lagu ilaalinayo muhiimadda hanaankii geeedi socodkii Dhuusamareeb iyo heshiiska 17-ka Sebtember 2020 ee ku saabsan hanaanka doorashada ee isbedelka lagu sameeyey, si doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay wada aqbalaan dhammaan Soomaalida loo qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxda IGAD ayaa sidoo kale soo dhoweeyey guulaha ay ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyaga oo ay taageerayaan AMISOM, ka gaareen xakameynta iyo la-dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ammaanay dib u billaabisata wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna bogaadiyey doorka ay hogaamiyeyaasha gobolka ka cayaareen marti-gelinta iyo fududeynta wada-hadalladaas.