Madaxda Maaliyadda Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Sweden

Hargeysa (Hayaannews) Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Amb. Rooda Jaamac Cilmi ayaa khamiisti xafiiskeeda ku qaabishay Safiir Hon. Per Lindegärd, safiirka u qaabilsan Wadanka Sweden arimaha Somaliland iyo Somalia.

Safiirka oo dhawaan loo soo magacaabay Xafiiskan oo booqasho ku yimi dalka ayaa intuu kulanku labada masuul socday ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Sweden, iyaga oo si gaar ah isu-dul-taagay arimo la xidhiidha sidii ay Dawladda Swedish-ku gacan uga gaysan lahayd mashaariic lagu kobcinayo dhaqaalaha curdinka ah ee bulshada reer Somaliland.

Sidoo kale Marwo Rooda iyo Safiir Lindegard ayaa ka wada hadlay sidii Sweden uga taageeri lahayd Wasaaradd Maaliyad barnaamijyada lagu badhitaarayo kor u qaadista dakhliga Gudaha/Berriga, barnaamijyada dib-u-habaynta maamulka maaliyadda iyo arimo kale dib-u-habaynta maaliyadda.

Wasiir-xigeenka Maaliyadda Marwo Rooda ayaa hore muddo shan sannadood u ahaan jirtay Safiirka JSL u qaabilsan dalka Sweden.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com