“Madaxda Somaliland-na Umay Tudhin Qaddiyadda Somaliland iyo Dadka Deegaankaasba.(LAASCAANOOD)” Suxufi Sidiiq-BURMAD

Sidiiq Burmad-Hayaannews

Laascaanood waxa ka dhacay bal adigoo dhanka qof Somaliland aaminsan ka eegayaba, Somaliland ma u guulbaa?

Xitaa haddii ciidanka Somaliland gacanta ku wada qabtaan laascaanood iyo carro-dhulbahante oo dhan oo ay xoog ku muquuniyaan Somaliland ma u guulbaa?

Dawladnimadu waa heshiis bulsho, qanaacaddeeduna waa dantaada oo aad ka dhex aragto.

Muquunin dad iyo deegaan waa lagu qabsan karaa, quluubtooda iyo qanaacadooduse waa kusii fogaataa?.

Iyada oo boqollaal dhinteen, haddiiba imika Somaliland qabsato carro dhulbahante, dhulbahantana dagaalka lagaga adkaado, what is next?.

Iyada oo Nacayb ku dhisan dhacdooyin la mid ah ta maanta taagan oo dhulbahante qabeen aanay jirin, qofka aaminaadda somaliland ku adkayd, Sidee imika oo aynu ka warqabno inta dad dhimatay deegaankiisa looga dhisi karaa dawlad Somaliland ah oo uu aaminsanyahay.

Mise arrinku waa dagaalkiina waan kaaga adkaaday oo waad ku qasbantahay dawladnimada, waaba haddii laga adkaado’e.

Nidaamka caynkaa lagu dhisaa ma yeeshaa dhuux uu ku taagnaado?

Sidee haddaa la yeeli lahaa?

Hadda lasoo dhaafba, wayse jirtay kun siyood oo ka wanaagsan oo la samayn karayay kuwaas oo qalbiyada sii fogaaday imika ka dhigi lahaa kuwo intii hore kasoo dhawaada, lamase yeelin. Nasiib darrose go’aamada lama wada laha.

Sidaas oo ay tahay cabbirka qofka Somaliland jiritaankeeda raba ayaan kaala hadlayaa illaa imika. Dhanka qofka dhulbahante in lagasoo istaagaa waa xaalad adag oo isoo xasuusinaysa taan usoo joogay Soddon iyo shan sanno ka hor.

Any way, odayaasha dhaqanka ee dhulbahante may qaadin tallaabo caqli ku dhisan oo midheheedii ayaa inna horyaala.

Halgan laguma galo meel maalin carruur iyo dumar ka mudaharaadayaan inta aad iska timaaddo aad iska tidhaa adoo xamaasad hadlaya berri ayaynu iska dulqaadaynaa ciidankan inna duljoogana. hadda waa ciidan soo dhismay soddon sanno.

Waa go’aan laab la kac ah oo aan innaba u tudhayn dadka uu garaadka u yahay. Halganku miyaanu ahayn kii sannado duurka lagu jiri jiray, la raamaysan jiray, la raafaadi jiray, ee lasoo dhisi jiray awood baacin karta cidda lala dagaalamayo.

Halganna waa mid ciil ku salaysan,

Midna waa mid caadifad iyo ismuujin ah ka muuqo oo shacabka muddaharaadaya haku ammaanaane wax ay rabaan dheh ku salaysan, waana ka iiga muuqday garaadada. Waxaabad moodday in sumcad la kala boobayo ee aan dadka dantooda lagu hagayn ee hugunkooda ka muuqo ay ahayd.

Madaxda Somalilandna umay tudhin Qaddiyadda Somaliland iyo dadka deegaankaasba. Walise wax la yeelli karo ayaa jira oo ah in laga shaqeeyo in aan wiilaal kale uun sii dhiman. Nacayb inta la lulayna in ka badan aan lasii lulin.

Sidiiq Burmad-Hayaannews

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com