“Madaxwayne Haddii Jiritaanka Golaha Aad Ixtiraami Waydo Waxaa Imanaysa In Adigana Madaxwayneninadaada Goluhu Aanu Aqbali Doonin.” Xil. Barkhad-BATUUN

Hargeysa(Hayaannews): Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka mida Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ku eedeeyey Madaxtooyada Somaliland inay farogelin qaawan ku hayso Golaha Wakiillada, isaga oo ku tilmaamay  ayaan-darro inuu Madaxweyne Biixi uu subax kasta uu madaxtooyada kula shiro Xildhibaano.

Barkhad Batuun waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta la hadlayay qaar ka mida Warbaahinta Somaliland.

“Golahan Waxaa Lagu hayaa faragalin qaawan, cida ku haysaana waa madaxtooyada, mudane madaxwayne adiga oo somaliland odaygeedii ah waa kuu ayaandaro in subax kasta xildhibaano kooban aad madaxtooyada kula shirto oo khilaaf bilaabmo”.

“Madaxwayne hadii jiritaanka golaha aad ixtiraami waydo waxaa imanaysa in adigana madaxwayneninadaada goluhu aanu aqbali doonin.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Barkhad Batuun

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com