“Muuse haddii uu ku xad-gudbo sharciga hay’adaha dastuurka ayaan leenahay talaabo ha ka qaadaan” Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Hargeysa(Hayaannews): Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi inay fadhiid noqotay oo aanay waxba qabanin muddadii afarta sannadood ahayd ee ay xilka haysay, isla markaana uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay diidaan wixii sharci-darro ah
Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ugu baaqay Baarlamaanka Somaliland inay mushaharka-u-kor dhiyaan Ciidamada qaranka, maadama ay miisaaniyadii hor-taalo.
Sidaa waxa uu ku sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, kadib markii uu shalay Safar ku tagay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer, halkaas oo ay ciidu dhaqaaqday oo kumanaan qof si diiran u soo dhaweeyeen.
“Xisbi ahaan shacbiga qaylinaya daawan mayno, in baloodhadooda laga qaado daawan mayno, in sharcigooda lagu tunto daawan mayno, in dawladnimadooda la burburiyo daawan mayno waxaanu leenahay shacbiga wixii sharci darro ah diida anaguna waanu diidayna,”.Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Somaliland inay mushaharka u kordhiyaan Ciidamada, isaga oo arrimaha ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan baaq u soo jeedinaynaa Xubnaha baarlamaanka ee Mucaaridku inta baddan yihiin (Majority), iyo kuwa kale ee KULMIYE haday yihiin kuwo ciidamada u tudhaya, inay ciidamada mushaharka u kordhiyaan, duruuftooda eegaan”
“Muuse Waxaan leeyahay dhuumasho uu dhabarku muuqdaa dhuumasho maaha, Muuse haddii uu ku xad-gudbo sharciga hay’adaha dastuurka ayaan leenahay talaabo ha ka qaadaan”.Ayuu yidhi Xirsi Cali Xasan.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Madaxweynaha afarta sanno fadhiyay ee aan waxba qaban iyo Xukuumadda fadhiidka ee uu sameeyey loogu celin-maayo”
HALKAN HOOSE KA DAAWO
Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net
oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.
#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com