Madaxweynaha Cusub Ee Tigray-ga Oo Loo Doortay Getachew Reda

Getachew Reda

Ethiopia(Hayaannews): Afhayeenkii kooxda TPLF Getachew Reda ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka Tigreega.

Deegaanka Tigrayga ayaa loo doortay madaxweyne cusub ka dib heshiiskii ay la gaadheen dawladda federaalka ee lagu soo afjaray colaaddii ka taagnayd woqooyiga Itoobiya.

Afhayeenkii TPLF ee Getachew Reda ayaa loo doortay Madaxweynah cusub ee ku-meelgaadhka ah ee Tigrayga, waxaanu beddelayaa Debretsion Gebremichael oo ah madaxweynaha xilka wareejinaya.

Getachew Red ayaa helay 18 boqolkiiba codadkii la dhiibtay halka murashaxii ku xigayna uu helay 15 cod, sidaas ayaana madaxweynaha Tigrayga caawa loogu doortay Getachew Reda.

Getachew Reda

Dhismaha dawladda cusub ayaa waxay qayb ka ahayd heshiiskii dawladda federaalka iyo TPLF, waxaana sida la sheegay Madaxweynaha cusub dooranayay xubnaha TPLF oo uu dhinacooda ka imanayay.