Wasiirka khaarajiga
Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi
“Weftigu waxa ay u yimaaddeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska
Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo
ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi iyo
afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.”
Wasiirka arrimha dibadda
Ereteriya Cismaan Saalax Maxamuud oo isna halkaas ka hadlay ayaa isagoo ka
hadlaya ujeedada safarkiisa wuxuu yidhi “Weftigayaga ka socda dalka
Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si
aannu wax badan uga ogaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii
aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana
waanu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxaana uu noo sharaxay
xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu
noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland,
tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid
furanta, waxana aanu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban
doonno.”
Weftiga oo xalay u hoyday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa la filayaa inay maanta dib ugu noqdaan magaalada Addis Ababa oo ay ka soo kiticmeen shalay.