Madaxweynaha Gobolka Tigray Oo Ku Baaqay Xabad joojin
November 9, 2020 - Written by admin
Maqala (Hayaannews)- Madaxweynaha
maamulka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku
baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo
wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.
Wuxuu mar sii horreysay Midowga
Afrika ugu baaqay inay xaaladda faraha lasoo galaan si dalka looga badbaadiyo
in uu galo dagaallo sokeeye.
Debretsion Gebremichael wuxuu ku
baaqay in la qabto wadahadallo lagu joojinayo dagaalka, sida ay ku warrantay
wakaaladda wararka ee Reuters.
Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.
Qaramada Midoobey waxay ka digtay
in dagaallada ka socda gobolka Tigray in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in
guryahooda ay ka qaxaan maadama la xidhay waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo
ay adagtahay in gargaar la gaadhsiiyo shacabka.