Madaxweynaha Jabuuti Wax Ma Uga Meel-Yaalaan Dagaalka Xadka JABUUTI Ku Sii Siqaya?

Hargeysa(Hayaannews): Djibouti malaha umabay dabanin in dagaalada qoomiyadaysan ee ka dhacaya Itoobiya uu wax saamayn ah ku yeelan karaan. Hadii ay sidaa u fakirayaan runtii waxan qabaa in ay qaldan yihiin. Waayo Djibouti xadka ugu dheer dhinaca galbeedka iyo weliba waqooyiga ee Itoobiya ay kala wadaagto degaan ahaan waa dhulka qoomiyadda Canfarta.

Dhulka ay Canfartu degtaana kuma koobna uun Itoobiya ee xaga waqooyi wuxu galaa Calatariya ilaa badda iyo Dekedda Musawac. Djibouti lafteeda dhulka ugu wayn ee waqooyiguna waa degaan Canfareed. Dhinaca galbeedka Canfarta waxay oodwadaag ka yihiin qoomiyadda Tigrayga.

Hadaba iyadoo markii horeba ay jirtay colaad u dhaxaysay Canfarta iyo Soomaalida ay ood wadaagga yihiin ee reerka Ciise dagaalana ay ku dhexmareen jiidaha ay ku muransan yihiin ayaa hadana laga yaabaa in xaaladdii cakirnayd ay ka sii darto hadii Canfartu ay garab siiso Tigrayga taas oo markaa u suurogelin karta Ciidamada Tigrayga oo garabsanaya ciidamada Canfartu ay si fudud u gaadhi karaan xadka Djibouti iyo Itoobiya taas oo halis ku ah isu socodka gaadiidka u kala goosha Djibouti iyo Itoobiya.

Dagaalada hadda ka dhacaya degaanka Canfarta ee ciidamada dawladda iyo TPLF ayaa noqon kara bilawgii qorshaha aynu soo sheegnay. Lama hubo in ciidamada Canfartu ay toos uga barbar dagaalamayaan kuwa TPLF  balse waa suurogal waayo Degaanka Canfartu waxay si toos ah uga horyimaadeen amarkii RW Abye Ahmed ee ciidamadooda ay ugu diri lahaayeen degaanka Amxaarada si ay ugu biiraan gurmadka qaran ee Abye ugu baaqay dhamaan Dawlad Degaamada qoomiyadaha Itoobiya oo dhan si looga hor geeyo TPLF.

Hadii ay xaaladdu ka sii darto Madaxwayne Geele maxaa uga meel yaal haddii dagaalku xadkiisa soo gaadho inta aanu gudaha Djibouti ka dhex qarxin kolay sida ay wax u socdaan la isma huri doono eh. Madaxwayne Ismaaciil ayaa hore u cadeeyay taageeradiisa Abye Ahmed ee dagaalka Tigray isagoo sheegay in uu ka soo horjeedo TPLF

Siyaasi Cali Mohamed Yuusuf

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com