Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee RAMADAAN.

Hargeysa-(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland meel ay joogaanba ku hambalyeynayaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa kowsatay.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale shucuubta Islaamka iyo shacabka Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, waxaanu u rajaynayaa inuu wanaag, khayr, bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda, Ilaahayna dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka hayo.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan Ramadaan, kuna dadaalaan cibaadada, sadaqada, islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho muxubo, is-jacayl iyo cafis, isagoo ku adkeeyay bulshada Somaliland inay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta amniga dalka, lana shaqeeyaan ciidamada amaanka, sidii awalba u caadada ahayd.

Ugu dambayntii, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaybaha kala duwan ee shacabka meel ay joogaanba iyo samo-faleyaashaba ugu baaqay inay bisha Barakaysan ee Ramadaan darteed iska kaashadaan sidii gacan iyo taageeraba loo siin lahaa dadkii uu hantidooda waxyeelleeyey dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo isugu jirey hantiileyaal iyo shaqaale qoysas masruufayey balse aan maanta waxba gacantooda ku jirin. Balse ay garab iyo gashaan la barbar taagan yihiin shacbigooda xariirta ah iyo dawladuba.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com