Madaxweynaha Mareykanka Biden Oo Ku Dhawaaqay Xubno Maamulkiisa Cusub Ka Howl-galaya
November 25, 2020 - Written by admin
Washington(Hayaannews):Madaxweynaha
la doortey ee Mareykanka Joe Biden ayaa Antony Blinken u magacaabay in uu noqdo
xog-hayaha arrimaha dibadda ee maamulkiisa cusub, iyadoo uu isku dayayo in uu
boorka ka jafo xiriirkii isbaheysigii dibadda ee Mareykanka, kaas oo uu
dhabarka jeediyay madaxweyne Trump.
Anthony Blinken ayaa ka
mid ahaa saaxiibbada Joe Biden aad ugu dhow ee kala talin jirey arrimaha
siyaasadda dibadda.
Blinken oo ah 58 sano
jir rug caddaa arrimaha siyaasadda dibadda ka soo shaqeynayay muddo labaatan
sano ah, ayaa ku raacay Biden baahida loo qabo in mar kale Mareykanku uu
hoggaamiyo doorka siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo is baddal ku keeneysa
hab dhaqankii siyaasadda madaxweyne Trump ee ku dhisneyd Mareykanka ayaa
koowaad ah, iyadoo gallaafatay isbaheysigii muddadaa dheeraa Mareykanka ee
Galbeedka.
Waxa magacaabista Blinken oo ay tahay inay senate-ka meel mariyaan sii dheer, in Biden uu magacaabay, sida ay warbaahinta u sheegeen kooxdiisa ka shaqeyneysa waqtiga kala guurka, laba sarkaal oo kale.
Jake Sullivan, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka, halka Linda Thomas-Greenfield loo xushey inay noqoto danjiraha Mareykanka ee Q.M.