Madaxweynaha Somaliland Oo Farriin Garnaqsi Ah U Diray Ururka Midowga Afrika

Madaxweynaha oo ka Qayb-galay Xuska Maalinta Ciidanka Qaranka

Hargeysa (Hayaannews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ururka midowga Afrika ugu baaqay in uu derso waxa ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa Ururka midowga Afrika ugu baaqay inay eegaan qaraarkii 2005tii ee ahayd in ay Somaliland waafaqsan tahay xuduudihii isticmaarka, waxaanu yidhi “Ururka midowga Afrika waxa la gudboon inay dersaan waxay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya, waana inay eegaan qaraarkoodii 2005tii ee ahayd inay Somaliland waafaqsan tahay xuduudihii isticmaarkii”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in soomaaliya doonayso in dabka ka socda ay Somaliland kula soo dhacdo waxana uu yidhib “Cidna dagaal kuma wadno , Walaalahayaga Soomaaliya iyaga khaldan taliska ka taliyaa waxay leeyihiin oo aanu isku haynaa dabka nagula soo dhaca”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxa uu sidan ka sheegay munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey xuska sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka qaranka oo uu ka qaybgalay.

Munaasibaddan loo sameeyey xuska ciidanka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiyaha maxkamadda sare, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, xubno katirsan asxaabta qaranka, wefti ka socda dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayo taliye-ku-xigeenka ciidanka militeriga dalka Jabuuti General Daahir Cali Maxamed oo ay wehelinayaan taliyeyaasha ciidamada Booliska, Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax madaxtooyada, Kornayl Maxamed Jaamac Ducaale, ilaalada xeebaha iyo cirka, Kornayl Wacays Cumar Boqore, wefti ka socda dalka Ethiopia oo uu hoggaaminayo, hoggaanka guud ee nabadgelyada ciidanka Ethiopia General. Burhan Bekel, kuna wehelinayaan taliyaha Leyuu Booliska dawlad-deegaanka Soomaalida, General Maxamed Xaaji iyo saraakiil kale, safiirro ka socda dalalka Jabuuti, Taiwan, Ethiopia iyo Turkiga, hoggaannada kala duwan ee ciidankaa Militeriga iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas lagu soo bandhigay guulihii kala duwanaa ee ay ciidanka Militerigu dalka soo gaadhsiiyeen iyo kaalinta ay ku leeyihiin nabadda, sugidda xuduudaha iyo horumarka qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ciidamada qaranka ku tilmaamay kuwo waajibkoodii kasoo baxay, manfacooduna xuduudda ka gudbay oo uu heer gobol gaadhay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Ciidamada kala duwan ee Somaliland ee ku mashquulsan waajibaadkooda amniga dalka, ka gobolka iyo keennaba waxan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa inay waajibaadkooda guteen, Somaliland-na nabad ku ilaaliyeen, dalalka aynu jaarka nahayna aynu wax badan kaga gudban nahay.”

Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ciidamada militeriga dalka, hoggaammadooda, iyo xaasaskoodaba u diray hambalyo iyo bogaadin, waxana uu ku sifeeyey naftood hurayaal ku xardhan taariikhda ma guurtada ah ee qarankani leeyahay.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeeray cusbitaal casri ah oo ciidanka qaranka looga bineeyey gudaha xarunta Birjeex, waxana uu xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo ciidanka loo bineeyey.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey ciidanka militeriga Jamhuuriyadda Somaliland ee 28-jirsaday, waxana uu ku dheeraaday mashaariicda kala duwan ee dhinaca ciidanka horumarintiisa la xidhiidha, kuwaas oo laga maalgeliyey miisaaniyadda qaranka.

Dhinaca kale kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka, ayaa madasha kusoo bandhigay masraxiyad ka turjumaysa kaalinta ay ciidanka qaranku kaga jiraan horumarka dalka, adkaynta amniga, xallinta khilaafaadka iyo hirgelinta dawladnimada, taas oo si weyn usoo jiidatay madaxdii goobta ku sugnayd.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com