Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Murashixiinta Ka Xidhan Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee WADDANI iyo UCID.

Hargeysa-(Hayaannews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay murashixiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaayey madal uu ku dhagax-dhigay waddo cusub oo isku xidhaysa Kaantaroolka Halleeya iyo Cusbitaalka Shifo oo dhan 22.5KM, taas oo dhinaca waqooyiga ka maraysa magaalada Hargeysa, ayaa sheeaay in murashaxiinta la xidhay uu Xisbiga Kulmiye ugu horeeyey ,“dadkii la xidhay saddexdii ugu horeeyey Kulmiye ayey ahayeen, kuwa imika taaganna mucaarad iyo muxaafid way leeyihiin, qofka waxa lagu soo eedaynayaa dambi, been abuurid sharci sida shahaado been abuura ah, xadis waraaqo xafiis markaa kii la qabtaa waa nasiibkii” ayuu yidhi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa sheegay in aan la dhaafi Karin sharci jabay , waxana uu yidhi “sharci jabay la dhaafi maayo, murshaax waxa lagu eedaynayaa in uu dalal Somaliland cadow ku ah gacan la leeyahay haddii la hubiyo maxkamadda degdeg loo gayn oo dambi wuu ku cadaan haddii lagu waayo halkiisi ayuu kasii waddan (murashaxnimada)”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com