Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaraxii Hotel Afrik

“Janaraal Galaal wuxuu xoggagaal u ahaa Qadiyadda Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka shacabka Soomaaliya ka tacsiyadeeyey dadkii lagu laalay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho .

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay damqayso dhiibaatada iyo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya islamarkaana ay aad uga xun yihiin dhibaatada amni darro ee soddonka sanno ka jirtay dalkaasi.

“Soomaaliya dad waan iska xignaa waa Soomaali, waa muslim , dhibaatada gaadha wayna damqaysaa waan u ducaynaynaa , haddii aynu itaal wayn hayno oo ay garan lahayeen wax aynu nahay oo halka ay ka fekerayaan si ka duwan u fekeri lahayeen maanta waxtarkooda dadka ugu dhow ee qaban lahaa ayeynu nahay” ayuu yidhi

Madaxweynaha Somaliland waxa uu si gaar ah uga hadlay dilkii Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo u uku sifeeyey shakhsi qiimo weyn ku lahaa Qoomiyadda Soomaalida ,waxaana tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay. Waxanu yidhi “waan ka xun nahay maali walba dadka dhimanaaya ee dhiigooda la daadinaayo ee muslimka ah ee ay ugu danbeyeen kuwii shalay hotel afrik lagu laayey oo u uku jiray Janaraal Galaal oo shakhsiyan aan aad iyo aad u aqaanay oo Oday Soomaaliyeed ahaa . weliba dadka qadiyada Somaliland xoggagaalka u ah ahaa . aad iyo aad Ayaan uga tacsiyadaynayaa qoyskiisa”

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: #Hayaannewssoma@gmail.com