Madaxweynaha Somaliland Oo La Sheegay Inuu Toddobaadkan Booqasho Rasmiya Ku Tagayo Dalka Kenya

Safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmi doona xilli uu aad u xumaaday xidhiidhka Muqdisho & Nairobi

Hargeysa (Hayaannews) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa la sheegay inay Toddobaadkan socdaal ku tagi doonaan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Ma jiro War Rasmiya oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay arrintan, balse ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan gudihiisa safar ugu baxayo dalka Kenya.

Warka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Somaliland uu halkaa kula kulmi doono Madaxda Dawladda Kenya oo uu ka mid yahay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Lama uga waxyaabaha labada Madaxweyne ka wada-hadli doonaan, balse Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagi doono Kenya ayaa ku soo beegmaya laba Toddobaad uun ka dib, markii khilaaf diblumaasiyadeed soo kala dhex galay Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya oo cabasho ka qabta in Kenya faro-gelin ku hayso Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa u yeedhatay Safiirkii u fadhiyey Nairobi, halka ay ka caydhisay Safiirkii Kenya u joogay Caasimadda Muqdisho.

Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh, waxaana Somaliland xafiis ku leedahay Magaalada Nairobi, halka Kenya dhowr jeer ballan-qaaday inay Xafiis ka furanayso Somaliland, balse illaa hadda taasi ka hirgelin.

Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland